Arsenal Oo Tijaabo Caafimaad Marin Doonta Saddex Daafac Oo Dhaawac Ka Qaba Xilli Jamaahiirta Gunners Ay Ku Ducaysanayaan Inay Taam Buuxa U Noqdaan Kulanka Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaa qiimayn iyo tijaabo caafimaad ku samayn doonta saddex kamid ah xiddigaha daafaca kooxdeda ee dhibaatada dhaawac haysato si ay u hubiyaan fursadaha ay kaga qayb qaadanayaan kulanka weyn ee ay maanta booqan doonaan kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Liverpool.

Shkodran Mustafi, Nacho Monreal iyo Hector Bellerin ayaa ah saddexda daafac ee qiimaynta goorta dambe ah la marin doono, Gunners ayaa hal kulan guul soo gaadhay afartii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo u dhibaataysan sababta dhaawacyada inta badan daafaca kooxda ku habsaday.

Arsenal to assess Mustafi, Monreal and Bellerin for Liverpool clash

Arsenal ayaa warbixin caafimaad oo ay shalay soo saartay ku sheegtay in Mustafi iyo Monrael ay mari doonaan tijaabo caafimaad oo lagaga samayn doono muruqa lugta midig halka Bellerin tijaabadiisu ku wajahantahay kubka lugta bidix.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Mustafi ciyaaray ayaa ahaa midkii ay guusha ka gaadheen Huddersfield, Bellerin ayaa dhaawacu ku gaadhay guuldaradii kooxda kasoo qabsatay Southampton halka Monreal uu seegay kulankii Boxing Day ee Brighton.

Dhinaca kale, Waxa kulankan gabi ahaanba safka kooxda ree London laga saaray Mesut Ozil oo ay ku adkaatay inuu boos joogto ah ka helo Unai Emery tan iyo markii uu kooxda ka baxay tababare Arsene Wenger.

Liverpool ayaa dhinaceeda waayaysa Joe Gomez oo kulamadii ugu dambeeyay seegay iyo waliba kabtan ku xigeenka kooxdeeda ee James Milner oo dhaawac muruqa ahi gaadhay.

Farxada Reds ee kulankan ayaa ah in Mohamed Salah uu ciyaari doono kaddib markii uu ka badbaaday ganaax kaga yimaada gool kulaadkii lagu galay kulankii Newcastle United oo lagu eedeeyay inuu si ukas ah dhulka iskugu tuuray.