Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Labaad Ee Xagaagan, Booska Uu Ka Ciyaaro & Qiimaha Uu Emirates Ugu Soo Wareegayo.

Arsenal iyo tababaraheeda Unai Emery ayay hubaal tahay inay wakhtigan aad ugu mashquulsan yihiin arrimaha suuqa kala iibsiga ee kooxdooda iyo sida ay safkooda kusoo xoojinayaan xilli ciyaareedka dambe ee 2019-20.

Sida ay saxaafadu sheegayso horena uu tababare Emery u qirtay waxa suuqan kooxda ree London haysata dhibaato dhaqaale iyadoo ay warbaahintu qorayso in kaliya loo ogol yahay inay 40 Milyan ku gasho suuqa.

Iyadoo ay sidaas tahay ayay haatan Gunners aad ugu dhaw yihiin saxeexa daafaca dhexe ee William Saliba oo ka tirsan kooxda St. Etienne  dhalasho ahaana kasoo jeeda dalka France.

Il wareedka Yahoo Sport France oo xog ogaal u ah arrimaha ciyaaraha ee France ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska uu daafacani ugu soo wareegayo Emirates Stadium uu yahay mid haatanba la dhammaystiray.

Sidoo kale Yahoo Sport France ayaa ka faalooday wax ku saabsan heshiiskaas isaga oo qoraya in 18 jirkani uu heshiis shan sano ah qalinka ku duugay.

Warbixinta kale ee lasoo xiganayo balse aysan jeclaysan doonin jamaahiirta Gunners ayaa ah inaysan ku tashanin xilli ciyaareedkan adeegiisa isla markaana uu qaab amaah ah ugu laabanayo St. Etienne.

Isniintii shalay ahayd ayay ahayd markii wariye Mohamed Bouhafsi uu shaaciyay qoraal ay ugu muhiimsanayd “Heshiiska William Saliba ee Arsenal waa mid asaasi ahaan dhammaystiran”.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa 30 Milyan kula soo wareegaysa Saliba waana lacag heer sarreysa marka loo eego daafac kaliya 18 sano jir ah.