Arsenal Oo Qarka U Saaran Inay Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqdo Saxiixeedii Ugu Weynaa Xagaagan

Arsenal ayaa ku dhow inay si rasmi ah u shaaciso saxiixa weeraryahanka kooxda Gremio ee reer Brazil Everton Soares kaasoo qeyb libaax leh ka qaatay guushii Brazil ee Copa America ee xagaagan.

Arsenal ayaa kula soo wareegeysa xiddigaan lacag ku dhow 40 milyan euro inkastoo aan la ogeyn qaabka u kala bixin doonto lacagta.

Saxaafada Britain ayaa qoreysa in kooxda reer London ay isbuucaan dhakhtar u dirtay Brazil si uu tijaabada caafimaadka u mariyo xiddiga reer Brazil taasoo haatan la sheegayo in la soo gabagabeeyo.

Dhanka kale ciyaaryahanka shaqsi ahaantiisa ayaa waxa uu Instagram soo dhigay shalayto muuqaalo isagoo baranaya luqada Ingariiska islamarkaana ay caawineyso xaaskiisa.

Xiddiga Crystal Palace Wilfried Zaha ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee Arsenal xagaagan laakiin qiimahiisa oo aad u sareeya dareed ayaa keentay in tababare Unai Emery uu u weecdo weeraryahanka reer Brazil.

Everton Soares ayaa lix sannadood la joogay kooxda reer Brazil ee Gremio laakiin waxa uu soo jiitay indhaha kooxaha Yurub markii uu wacdarro ka dhigay tartankii Copa America ee lagu qabtay Brazil islamarkaana isla Brazil ay ku guuleysatay.

23 jirkaan ayaa kooxdiisa haatan u saftay 148 kulan waxa uu u dhaliyay 38 gool halka uu caawiye ka noqday 10 gool kale.

Dhanka kale Arsenal ayaa sidoo kale heshiis ka gaartay saxiixa daafaca dhexe ee 18 jirka William Saliba sida aan xalayto idiin soo gudbinay.

Gunners ayaa bixineysa 29 milyan euro iyo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedka daafacaan.

William Saliba ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Gunners maalinta Axada marka kooxdiisa Saint-Etienne ay ka soo laabato Washington.

Waxa uu u saxiixi doonaa qandaraas shan sannadood ah ka hor inta uusan amaah dib ugu laaban kooxda Faransiiska oo uu u sii dheeli doono xilli ciyaareedka soo socda.