Arsenal Oo Man United Ka Dulqaadaysa Saxiixa Antoine Griezmann Iyo Xiisaha Atletico Madrid Ee Alexis Sanchez Oo Door Wayn Ka Ciyaaraya.

Arsenal ayaa doonaysa in ay Manchester United ku garaacdo saxiixa xidiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann, waxaana Gunners si wayn u caawinaysa in kooxda Atletico Madrid ay doonayso inbadalka Griezmann ay ka dhigato Alexis Sanchez oo isna iska diiday inuu wax heshiis ah u kordhiyo kooxdiisa Arsenal.

Sida uu shaaca ka qaaday wargayska Mail on Sunday, kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay Manchester United kula tartanto saxiixa Antoine Griezmann iyada oo kooxda Arsene Wenger suuqii xagaagii la soo dhaafay xidhiidh la samaysay Greizmann.  Man United ayaa qorshaynaysain ay lacag rekoodh suuqa kala iibsiga ah kula soo wareegto Antoine Griezmann laakiin xiisaha ay u qabto Atletico Madrid saxiixa Alexis Sanchez iyo in Gunners ay xidigan ree France doonayso ayaa Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils tartan xoogan galin kara.

Wargayska The Sun ayaa ku waramay in Atletico Madrid ay diyaar u tahay in ay  Alexis Sanchez siiso dariiqii uu ka bixi lahaa Emirates Stadium isla markaana ay ka dhigato badalka Antoine Griezmann kaas oo isna doonaya in uu ka ciyaaro horyaalka Premier leaque-ga. Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayay suurtogal tahay in ay ka wada xaajoodaan suurtogalnimada ay iskugu badalan karaan Antoine Griezmann iyo Alexis Sanchez taas oo Man United iyo lacagteeda qaaliga ah dhibaato ku noqon karta.

Alexis Sanchez ayaa dalbaday in mushaarkiisa todobaadkii laga dhigo £220,000 kun oo gini laakiin dalabka ay Gunners miiska u saartay xidiga ree Chile ayaa ah mid uu todobaadkii ku qaadan karo £160,000 kun oo gini waana dalab uu iska diiday in uu heshiiskiisa saxiixo.

Comments

comments