Arsenal Oo Heshiis La Gashay Ciyaartoy Ka Tirsan Barcelona

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis la gashay laacibka Joel Lopez oo ka tirsan da’yarta kooxda Barcelona, kaas oo dhowaan u duuli doona magaalada London.

Lopez oo ka tirsan kooxda da’doodu ka hoosayso 16 jirka ee Barcelona ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay kooxdiisu usoo bandhigtay, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu iska tago La Masia.

16 jirkan oo ka ciyaara difaaca bidix ayaa Barcelona joogay tan iyo markii uu toddoba jirka ahaa, laakiin sida uu ku warramay wargeyska Sport, waxa ka go’an inuu ka baxo gobolka Catalonia si uu horumar ugu sameeyo xirfaddiisa oo lagu tilmaamo mid wanaagsan.

Madaxa iibka ee Arsenal oo lagu magacaabo Raul Sanllehi ayaa la fahamsan yahay inuu si adag uga shaqeeyey dhamaystirka heshiiska.

Lopez ayaa dhamaadka sannadkan waxa uu noqon doonaa xor, waxaanu markaas awood u yeelan doonaa inuu ku biiro Arsenal iyadoo Barcelona aanay caqabad ku noqon karin, balse waxa ay Gunners bixin doonaan lacag magdhow ah oo ay tahay in naadiga qaadanaya da’yarkan ay soo barbaarisay ay tahay inay u shubto.

Arsenal waxa kale oo lala xidhiidhiyey da’yarka kooxda PSG ee Yacine Adli.