Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Aubameyang Iyo Real Madrid Oo Heshay Warkii Ay Doonaysay

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la sheegay inay isku diyaarinayso in ay ka hor tagto in weeraryahaneeda Pierre-Emerick Aubameyang uu si xor ah uga tago marka uu dhamaado qandaraaskiisa oo ay ka hadhsan tahay 18 bilood oo kaliya.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa toddobaadkii hore iska diiday inuu sii wado wada-hadallo heshiis kordhin ah oo ay Arsenal kula jirtay, waxaana muuqata in uu saluug weyn ka qabo qaab-ciyaareedka kooxda oo uu rumaysan yahay in aanu ka caawinaynin heerka uu doonayo inuu ka gaadho kubadda cagta oo uu ku hamiyeyay inuu ku loollamo abaal-marinaha xiddiga ugu wanaagsan caalamka.

Laacibka reer Gabon oo xili-ciyaareedkii hore ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee Premier League oo ay wadaageen Mohamed Salah iyo Sadio Mane, ayaa waxa la sheegay in kooxda Real Madrid oo muddo dheer daba socotay ay waqtigan doonayso inay keento Santiago Bernabeu.

Advertisements

Arsenal ayaa sannadkii hore waxay Borussia Dortmund kaga soo iibsatay lacag dhan £60 milyan, laakiin sida uu qoray wargeyska The Sun, maamulka Arsenal ayay qasab ku noqotay inay ka fadhiistaan qiimaha ay ku iibin karayaan xagaaga soo aaddan haddii uu ku adkaysto in aanu heshiiska kordhinin.

Advertisements