Arsenal Oo Emirates Stadium Ku Garaacday Burnley,Aubameyang Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Gunners Oo Tubta Guusha Ku Soo Laabatay.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku garaacday kooxda Burnley waxayna kooxda Unai Emery ku soo laabtay tubta guusha kadib guuldarooyinkii xidhiidhka ahaa ee ay hore ugala soo kulantay kooxaha Southampton iyo Tottenham waxaana guushan Gunners ku hogaamiyay Aubamayeng oo laba gool dhaliyay iyo Alex Iwobi oo ciyaarta badal ku soo galay isla markaana goolka saddexaad ku dilay rajadii soo laabasho ee Burnley.

Iyada oo ciyaartu dhamaad tahay ayay Burnley raadinaysay goolkeeda labaad laakiin goolka saddexaad ee uu Alex Iwobi dhaliyay ayaa meesha ka saaray in Burnley ay kulankan wax dhibco ah ka hesho. Gunners ayaa hal dhibic oo soo jirsatay kaalinta afraad ee ay Chelsea ku jirto ka hor kulanka ay Blues ciyaarayso.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BURNLEY (5-3-2): Joe Hart; Phil Bardsley, Kevin Long, James Tarkowski, Ben Mee, Charlie Taylor; Jeff Hendrick, Jack Cork, Ashley Westwood; Ashley Barnes, Chris Wood.

Kaydka: Tom Heaton, Matthew Lowton, Sam Vokes, Ben Gibson, Matej Vydra, Dwight McNeil, Ali Koiki.

ARSENAL (4-3-1-2): Bernd Leno; Ainsley Maitland-Niles, Sokratis Papastathopoulos, Nacho Monreal, Sead Kolasinac; Matteo Guendouzi, Mohamed Elneny, Grant Xhaka; Mesut Ozil; Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Petr Cech, Aaron Ramsey, Lucas Torreira, Stephan Lichtsteiner, Alex Iwobi, Eddie Nketiah, Bukayo Saka.

Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo si wayn u doonaysay in ay ka soo kabsato labadii guuldaro oo xidhiidhka ahaa ee ay kala soo kulantay kooxaha Southampton iyo Tottenham wuxuuna Unai Emery soo xushay shax xoogan si uu jawaab uga bixiyo dhibaatadii soo martay.

Jamaahiirta Arsenal ayay farxad u ahayd markii ay arkeen Emery oo shaxdiisa ku soo wada bilaabay xidiga mustaqbalkiisa mugdiga la galinayo ee Mesut Ozil, Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang kuwaas oo sidii la filayay qaab fiican u wada shaqeeyay.

Daqiiqadii 14 aad Aubameyang  ayaa kooxdiisa Arsenal u dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu Mesut Ozil si cajiib ah u soo dhisay weerarka Gunners waxaana caawinta goolkan sameeyay Kolašinac kaas oo isna ka soo faa’iideeyay kubbada karooska ahayd ee uu Ozil ka helay wuxuuna sidaa Auba ku dhaliyay goolkiisii 11 aad ee premier league.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Arsenal hogaanka kula wareegtay balse Gunners ayaa doonaysay in ay goolal kale keensato laakiin daqiiqadii 37 aad Emery ayay qasab ku noqotay in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Nacho Monreal waxaana booskiisa buuxiyay S. Lichtsteiner.

Goolka uu Aubameyang dhaliyay ayaa Arsenal siiyay kalsooni badan halka kooxda Burnley uu culyas badan ku abuuray laakiin wax walba oo ay labada kooxood sameeyeen intii ka hadhsanayd qaybtii hore waxay awoodi waayeen in ay wax goolal kale ah dhaliyaan waxaana lagu kala nastay iyada oo Arsenal ugu danbayn 1-0 hogaanka ku haysa waqtiga nasashada kulan premier league ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa sii waday in ay ahaato kooxda laga filan karo goolka labaad waxayna doonaysay in ayna Burnley helin fursad ay soo laabasho kaga fikiri karto.

Daqiiqadii 48 aad Arsenal ayaa markiiba heshay goolkeeda labaad ee kalsoonida waxaana weerar deg deg ah oo cajiib ah iskugu xidhmay  Alexandre Lacazette oo caawinta sameeyay iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo goolkiisii labaad ee kulankan si qurux badan u dhamaystiray waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.

Aubameyang ayaa goolkiisii hore ku barbareeyay Mohamed Salah oo xalay hogaanka u sii qabtay gool dhalinta premier league laakiin goolka labaad ee uu Aubameyang dhaliyay waxa uu ku soo celiyay hogaanka gool dhalinta Premier league isaga oo 12 gool yeeshay.

Daqiiqadii 63 aad Burnley ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana goolka rajada wayn u abuuray isla markaana Arsenal walwalka u horseeday u saxiixay Ashley Barnes kaas oo caawin ka helay K. Long waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Arsenal hogaanka ku hayso balse ay kalsoonidii badnayd kaga luntay.

Daqiiqadii 78 aad Emery ayaa ciyaarta ka saaray Lacazette wuxuuna soo galiyay Iwobi laakiin xidiga reer France ayaa muujiyay sida aanu ugu faraxsanayn in ciyaarta uu ku soo bilawday laga saaray laakiin Burnley ayaa aamintay in ay barbaraha keensan karto.

Laakiin Arsenal ayaa dadaal badan ku bixinaysay sidii ay ugu yaraan ku ilaashan lahayd hogaanka ciyaarta iyada oo ka walwalsanayd in hal fursad ay Burnley ku keensato goolka labaad si ay barbaro ciyaarta uga dhigto.

Daqiiqadii 91 aad ee dhamaadkii ciyaarta Alex Iwobi ayaa jamaahiirta kooxdiisa Arsenal ee wadnaha farta ku hayay si buuxd qalniga ugu dajiyay kadib markii uu dhaliyay goolka ciyaarta ay sida dhabta ah Arsenal ugu dishay ee saddexaad kaas oo meesha ka saaray dadaalkii Burnley ay ku bixisay in ay goolka barbaraha keensato.

Alex Iwobi ayaa ciyaarta 3-1 ah ka dhigay si uu kooxdiisa Gunners ugu xaqiijiyo saddexda dhibcood ee halista ku jiray intii aanu goolkan dhalin maadaama oo ay Burnley raadinaysay qaabkii ay hal dhibic kulankan uga heli lahayd.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Arsenal guul ku gaadhay isla markaana ay tubta guusha ugu soo laabtay kadib labadii guuldaro ee Southampton iyo Tottenham ka soo gaadhay.