Arsenal Oo Emirates Stadium Ku Dubaday Valencia, Xili Alexandre Lacazette & Aubameyang Ay Gunners Talaabo U Jirsiiyeen Finalka Europa League.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku dubatay kooxda horyaalka Spain ka dhisan ee Valencia waxaana Gunners guushan wayn ku hogaamiyay Alexandre Lacazette oo laba gool qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyay iyo  Aubameyang oo dhamaadkii ciyaarta goolka saddexaad u saxiixay Gunners.

Arsenal ayaa kooxda Valencia booqan doonta iyada oo kalsooni wayn ku qabta in ay finalka Europa League u soo bixi karto kadib markii ay guul 3-1 ah ku sii gaadhay Emirates Stadium ee kulankii lugta kowaad ee afar dhamaadka Europa League balse Valencia ayaa xisaabsan doonta goolka ay martida ahaanta ku dhalisay.

Shixihii Arsenal Vs Valencia

ARSENAL (3-4-3): Petr Cech; Shkodran Mustafi, Laurent Koscielny, Sokratis Papastathopoulos; Ainsley Maitland-Niles, Matteo Guendouzi, Granit Xhaka, Sead Kolasinac; Mesut Ozil, Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette.

Kadyka: Mohamed Elneny, Henrikh Mkhitaryan, Lucas Torreira, Alex Iwobi, Nacho Monreal, Bernd Leno, Eddie Nketiah.

VALENCIA (5-4-1): Neto; Facundo Roncaglia, Mouctar Diakhaby, Ezequiel Garay, Gabriel Paulista, Jose Gaya; Cristiano Piccini, Carlos Soler, Daniel Parejo, Goncalo Guedes; Rodrigo Moreno.

Kadyka: Jaume Domenech, Kevin Gameiro, Toni Lato, Daniel Wass, Ferran Torres, Santi Mina, Ruben Sobrino.

Unai Emery ayaa doonayay in ay kooxdiisa Arsenal iska ilawday musiibadii ay ugu soo jirtay Premier league wuxuuna ciyaartoyda kooxdiisa ka dalbaday in ay xaalada ku badalaan kulanka muhiimka ahaa ee ay Emirates Stadium ku soo dhaweeyeen Valencia.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan oo ay labada kooxood awoodeen in ay saddex gool iska dhaliyeen iyada oo Arsenal ahayd kooxda awooda sare haysatay qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay Valencia dagaal muujisay.

Daqiiqadii 11 aad kooxda martida ahayd ee Valencia ayaa gool ku aamusiisay jamaahiirta Emirates Stadium kadib markii uu M. Diakhaby dhaliyay goolka furitaanka ciyaarta ee xamaasada bilaabay wuxuuna caawin ka helay Rodrigo taas oo keentay in Valencia ay 1-0 hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Daqiiqadii 18 aad Arsenal ayaa ka soo kabsatay goolka looga hormaray kadib markii ay isku xidhmeen labada xidig ee ay wada shaqayta fiicani ka dhexayso ee Lacazette oo goolkan dhaliyay iyo Aubameyang oo caawinta sameeyay, wuxuuna noqday gool xaalada Gunners si buuxda u badalay.

Daqiiqadii 25 aad Lacazette ayaa markale noqday geesiga Arsenal markeeda ku soo wareejiyay hogaaminta ciyaarta kadib markii uu awooday in uu dhamaystiro kubbad caawin uu sameeyay Granit Xhaka, wuxuuna sidaa Lacazette ciyaarta kaga dhigay 2-1 ay Arsenal dhinaca kale u dhigtay natiijadii ciyaarta ee ay Valencia goolka ku homartay.

Dadaal kasta oo ay Valencia ku raadisay in ay barbaraha keensato iyo isku daygii ay Gunners ku raadinaysay goolka saddexaad ayaan suurtogalin qaybtii hore waxaana lagu kala nastay 2-1 ay Arsenal hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood sii wateen dagaalkii ay ciyaarta ugu jireen in ay natiijo fiicna ka helaan waxayna Gunners ahayd kooxda laga filan karayay goolka saddexaad balse Valencia ayaa tacab badan ku jirtay.

Daqiiqadii 67 aad Lacazette ayay ahayd in uu dhamaystirto saddexley kadib markii uu helay fursad uu goolka saddexaad ugu xaqiijin kari lahaa kooxdiisa Gunners laakiin waxa uu markan awooday waayay in uu dhamaystir sameeyo.

Daqiiqadii 75 aad Unai Emery ayaa ciyaarta badal kaga saaray Mesut Ozil wuxuuna soo galiyay Mkhitaryan iyada oo Ozil aanu qaybtii labaad shaqo fiican qaban.

Valencia ayaa u dagaalamaysay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd laakiin Daqiiqadii 82 aad Emery ayaa ciyaarta soo galiyay Nacho Monreal kadib markii ay xaaladu ku adkaatay L. Koscielny, waxaana la galay waqti ay Arsenal ku fikiraysay in ay guusha ilaashato.

Daqiiqadii 90 aad Arsenal ayaa la timid goolka muhiimada KHAASKA AH kooxdeeda u lahaa ee ay Valencia dhabarka kaga jabisay kadib markii uu Aubameyang awooday in uu kooxdiisa Gunners ka dul qaaday culayskii Valencia wuxuuna goolkan ku dhaliyay caawin uu sameeyay Sead Kolašinac.

Goolka saddexaad ee uu Aubamayeng dhaliyay waxa uu noqday mid si wayn sare ugu qaaday fursadii Arsenal ee u soo bixi taanka finalka UEFA Europa League wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Gunners kalsooni buuxda ku ehshay.

Ugu danbayn Arsenal ayaa guul dahabi ah oo 3-1 ah ku gaadhay labada gool ee uu Alexandre Lacazette qaybtii ee ciyaarta dhaliyay iyo goolka uu Aubameyang ciyaarta ku soo gunaanaday waxayna hadda Gunners talaabo wayn sare ugu qaaday sidii ay finalka Europa League ugu soo bixi lahayd.