Arsenal Oo €100 Milyan Dul-dhigtay Laacib Toddobaadka Dambe Ka Hor Imanaya Iyo Unai Emery Oo Ka Dhigaya Saxeexii Ugu Qaalisanaa Ee Gunners Samayso

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lacagtii ugu badnayd abid ee ay ciyaartoy ku iibsato dul-dhigtay laacib u dhashay waddanka Talyaaniga, kaas oo toddobaadka dambe ugu imanaya Emirates Stadium si uu u niyad-jabiyo taageereyaasha Gunners.

Sida uu qoray wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, Arsenal ayaa diyaarsatay lacag ka badan €100 milyan oo Euro oo ay ku doonayso xiddiga kooxda kubadda cagta Napoli ee Lorenzo Insigne, kaas oo tababare Carlo Ancelotti uu sheegay in aanu aqbalaynin inuu ka baxo kooxdiisa haddii loola yimaaddo wax ka hooseeya lacagta aynu sare kusoo sheegnay.

Arsenal oo ka walaacsan bandhigga ciyaaryahanneeda ee boosas badan ayaa waxay suuqa u gelaysaa sidii ay u heli lahayd xiddigo ka tayo iyo adkaysi badan Ozil, Mkhitaryan iyo Alex Iwobi oo hal-abuur iyo dhamaystirba leh, waxaana laacibka ugu horreeya ee ay diiraddu u saaran tahay uu noqday xiddiga Napoli ee Insigne.

Tababare Emery ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo ciyaaryahannada Yannick Carrasco, Ivan Perisic iyo Gelson Martins, kuwaas oo dhamaantood diiradda Gunners ay qabatay suuqii jiilaalka ee January.

Bartilmaameedkan qaaliga ah ee Lorenzo Insigne oo ay da’diisu tahay 27 sannadood jir ayaa udub-dhexaad u ahaa kooxdiisa sannadihii ugu dambeeyey, waxaana uu fasal ciyaareedkan socda shabaqa taabsiiyey 13 gool iyo 7 kale oo uu caawiye ka noqday.

Sababaha qanciyey Emery waxa ka mid ah in xiddiga reer Talyaani uu boosas badan ka ciyaari karo, sida lambarka 10 ee khadka dhexe, garab weerarka ah iyo xattaa weerar toos ah haddii loo baahdo.

Si kastaba ha ahaatee, Insigne ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada London isagoo hoggaaminaya kooxdiisa Napoli, waxaanay Arsenal kula ciyaari doonaan Emirates lugta hore ee wareegga siddeed-dhamaadka Europa League.

1 Comment

Comments are closed.