Arsenal Oo Dalab Ka Gudbinaysa Navas Iyo Real Madrid Oo Aqbali Doonta Dalabkaasi.

Macalinka Arsenal Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uu calaamadaystay Gool hayaha Real Madrid Ee Keylor Navas si uu xal ugaga dhigo dhibaatada dhanka goolhayaha ah ee haysata Kooxda Xili ciyaareedkan.

Gunners ayaa Soo Iibsatay Bernd Leno si ay badalka wakhtiga dheer uga dhigaan Goolhayaha Khibrada leh ee Petr Cech xagaagii, Halka goolhayaha halyeyga ah ee Dalka Czech uu noqday badalkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, Sida ay soo tabinayso El Confidencial , Emery ayaa xiisaynaya in uu helo saxiixa Goolhaye Navas suuqa January marka uu furmo.

Navas ayaa kusoo Biiray Kooxda ka dhisan Caasimada Spain Sanadkii 2014 ka, Waxa uu saftay 149 kulan tan iyo makaasi isaga oo kooxda la qaaday Koobab badan, laakiin xili ciyaareedkan ayuu noqday mid aan kulamada inta badan lagusoo bilaabin isaga oo kursiga Kaydka u dhacay. Waxaana booskiisa kala baxay Thibaut Courtois.

Goolhayaha Qaranka Costa Rica ayay uga dhimantahay qandaraaskiisa kooxda 18 bilood laakiin wararka soo baxaya ayaa soo jeedinaya in Real Madrid ay dhagaysan doonto dalabyada uga imanaya kooxaha, waxayna ku qiimeeyeen laacibkooda 12 milyan oo Pound.

1 Comment

Comments are closed.