Arsenal Oo Barbaro Niyadjab Leh La Soo Gashay Kooxda Brighton Iyo Wiilasha Unai Emery Oo Fursad Wayn Oo Iska Lumiyay.

Kooxda Arsenal ayaa barbaro niyadjab ah kala soo laabtay kooxda Brighton iyada oo gool uu Aubamayeng dhaliyay awoodi waayay in uu ka caawiyo guul ay soo gaadho waxayna Gunners kooxda Brighton la soo gashay barbaro 1-1 ah taas oo rajadii Gunners ee kaalinta afraad hoos u sii dhigtay.

Inkasta oo ay Arsenal hogaanka ciyaarta haysay markii uu Aubameyang u dhaliyay goolka furitaanka waxay awoodi waayeen in ay goolka labaad raacsadaan ama ay difaacasho fiican sameeyaan waxayna Gunners kulanka xiga booqan doontaa kooxda duulaysa ee Liverpool.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ARSENAL (4-3-3): Bernd Leno; Stephen Lichtsteiner, Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Sead Kolasinac; Lucas Torreira, Granit Xhaka, Matteo Guendouzi; Alexandre Lacazette, Mesut Ozil, Pierre-Emerick Aubameyang.

Badalkii: Petr Cech, Mohamed Elneny, Aaron Ramsey, Ainsley Maitland-Niles, Alex Iwobi, Eddie Nketiah, Joe Willock.

BRIGHTON (4-4-2): Mat Ryan; Martin Montoya, Shane Duffy, Leon Balogun, Bernardo; Solly March, Dale Stephens, Davy Propper, Jurgen Locadia; Pascal Gross; Glenn Murray.

Badalkii: Bruno, Gaetan Bong, Beram Keyal, Yves Bissouma, Florin Andone, Anthony Knockaert, David Button.

Daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaartaba Arsenal ayaa keensatay goolka furitaanka waxaana gool dhalintii cajiibka ahayd ee uu ku soo jiray sii watay Aubameyang kaas oo caawin ka helay xidiga ay sida wayn isku fahmaan ee Lacazette oo markale uu Emery shaxdiisa ku soo bilaabay.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Arsneal hogaanka kula wareegtay waxayna wali Gunners sii ahayd kooxda laga filan karayay goolka labaad iyada oo si fiican ciyaarta ugu bilaabtay balse Brighton ayaan ka quusan in ay ciyaarta ku soo laabto.

Daqiiqadii 35 aad kooxda Brighton ayaa si lama filaan ah ciyaarta ugu soo laabtay kadib markii Locadia uu qalad xun ku ciqaabay Lichtsteiner oo awoodi wayayay in uu iska saaro kubbad dheer oo uu soo tuuray Propper laakiin sidoo kale goolhaye Leno oo kubbada ku soo baxay ayaa la dhaafsaday wuxuuna sidaa Locadia ku dhaliyay goolka barbaraha ee ay Brighton ku soo laabtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Arsenal iska lumisay fursada ay hogaanka kula soo nasan kartay balse qaladka ay ciyaartoyda kooxdeedu sameeyeen iyo Brighton ay ka faa’iidaysatay ayaa barbaro 1-1 ah loogu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Unai Emery ayaa shaxdiisa hal isbadal ku soo sameeyay wuxuuna ciyaarta ka soo galiyay Alex Iwobi isaga oo badalay Mesut Ozil oo aan bandhig fiican samayn 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore.

Daqiiqadii 62 aad Emery ayaa isku dayay in uu isbadal labaad ku sameeyo shaxdiisa wuxuuna kaydka uga yeedhay Aaron Ramsey isaga oo ciyaarta ka saaray Lacazette inkasta oo uu ahaa go’aan qalad ah maadaama oo ay kooxdiisu si wayn ugu baahnayd goolka labaad.

Ciyaarta ayaa noqotay mid adkaatay isla markaana ay Brighton awood buuxda kala hortimid Arsenal laakiin Emery ayaa markii ay ciyaartu isbadal yeelan wayday waxa uu daqiiqadii 70 aad ciyaarta soo galiyay da’yarka Maitland-Niles wuxuuna saaray L. Koscielny.

Wax walba oo ay Arsenal u samaysay in ay keenato goolka guusha waxay dhaafi kari wayday Brighton waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1-1 ah iyada oo Gunners iska lumisay fursad ay cadaadis badan ku sii saari kartay Chelsea.