Arsenal Oo Barbar-Dhac Niyad-Jab Ah U Dagaallantay, Aubameyang Oo Khasaare Ka Badbaadiyey Ljunberg Iyo Wacdarihii Norwich Baday Gunners

Labo gool uu dhaliyay Aubameyang ayaa Arsenal ka badbaadiyay guuldarro ay kala kulmi lahaayeen Norwich City iyagoo ku kala baxay barbaro 2-2 ah.

Kulankii maanta waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay Arsenal ciyaarto tan iyo markii la ceyriyay tababare Unai Emery, laakiin tababaraha ku meel gaarka ah Freddie Ljunberg ayaa ka careysiiyay jamaahiirta kooxda ka hor inta aysan ciyaartaba bilaabanin isagoo shaxdiisa ku soo bilaabay xiddigaha sida Mustafi iyo Xhaka.

Lacazette ayaa fursadii ugu horeysay ee ciyaarta helay daqiiqadii 5aad laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Krul. Daqiiqadii 10aad kubad madax aheyd uu galay Mustafi ayay Norwich ka badbaadiyeen xariiqda goosha.

Norwich ayaa fursadeedii ugu horeysay heshay daqiiqadii 17aad markii Hernandez uu bilaabay kubad rogaalcelis ah isagoo sugay qof caawiya, ugu danbeyn wuxuu helay McLean kaasoo darbadiisa ku aadiyay goolhaye Leno oo ka mahadceliyay.

Advertisements

GOOL! Daqiiqadii 21aad: Shaqadii fiicneyd ee ay Arsenal qabatay 20kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxay noqotay hal bacaad lagu lisay ka dib markii ay Norwich la wareegtay hogaanka ciyaarta iyadoo Pukki uu shabaqa u soo taabtay.

Pukki ayaa baas fiican lagu dhex siiyay David Luiz iyo Mustafi laakiin si fiican ayuu u koontaroolay ka hor inta uusan darbo ka tuurin afka hore ee xerada ganaaxa, waxay kubada ku dhacday Mustafi ka hor inta aysan shabaqa ku nasanin.

RIGOORE: Daqiiqadii 24aad Arsenal waxaa loo dhigay rigoore ka dib markii kubad ay soo qaadeen uu gacanta ku taabtay Zimmermann.

Rigoorada waxaa u soo istaagay kabtan Pierre-Emerick Aubameyang laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Krul. VAR ayaase dib u eegtay rigoorada waxaana soo baxday in goolhaye Krul uu xariiqdiisa soo dhaafay ka hor inta aysan kubada ka soo bixin cagta Aubameyang taasoo keentay in rigoorada lagu celiyo.

GOOL! Daqiiqadii 29aad: Aubameyang ayaa ku guuleystay inuu markaan gool u sarifo rigoorada isagoo dhan qaldan u diray goolhaye Krul taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.

GOOL! Daqiiqadii 45+2: Dhamaadkii qeybta hore kooxda martida loo ahaa ee Norwich City ayaa mar kale hogaanka ku soo laabatay iyadoo daafacyada Arsenal ay hurdo galeen. Hernandez ayaa ka soo xarooday garabka bidix isagoo kubada u dhiibay Cantwell kaasoo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Leno.

Daqiiqadii 53aad Arsenal ayaa ku dooday rigoore ka dib markii Zimmerman ay kubad uu soo tuuray Ozil ay gacanta uga dhacday, laakiin garsooraha ayaan dheg u dhigin dooda Arsenal madaama Zimmerman uu aad ugu dhawaa Ozil.

GOOL! Daqiiqadii 57aad: Kabtanka Arsenal Aubameyang ayaa mar kale u barbareeyay Arsenal. Kubad koorno ah oo la soo qaaday ayaa marka hore madax lagu soo taabtay, waxaa kubada helay Mustafi oo darbadiisa la celiyay laakiin kubadii soo laabatay waxaa shabaqa dhex dhigay xiddiga reer Gabon.

Daqiiqadii 60aad Norwich ayaa ku dhawaatay inay mar kale hogaanka soo ceshato, McLean ayaa kubad hal ka hal la soo horistaagay goolhaye Leno, laakiin darbadiisa waxaa faraha foodooda ku badbaadiyay goolhayaha Jarmalka ka hor inta aysan kubada birta ku dhicin oo banaanka u sii bixin.

Cantwell iyo Pukki ayaa iyagana u soo dhawaaday inay shabaqa soo taabtaan iyadoo kooxda martida loo ahaa ay culeys xoogan saartay Arsenal daqiiqadihii 60maadka.

Arsenal waxaa fursado u abuuray Aubameyang iyo Mesut Ozil laakiin midkoodna waa ay u suurtogeli weysay inay shabaqa soo taabtaan halka goolhaye Leno uu fursado goolal loo fishay ka beeniyay Norwich City dhamaadkii ciyaarta.

Daqiiqadii ugu danbeysay Lacazette ayaa darbo xoogan oo gool ku beegneyd laga horjoogsaday, iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Natiijadaana ayaa la micno ah in Arsenal ay ku jirto kaalinta 8aad iyagoo leh 19 dhibcood halka Norwich ay weli baaqi ku tahay boosaska lagu haro iyagoo leh 11 dhibcood.

 

Advertisements