Arsenal & Liverpool Oo Haatan Si Fool Ka Fool Ah Ugu Dagaalami Doona Saxeexa Hakim Ziyech Xilli La Ogaaday Qiime Jaban Oo Ay Ajax Ku Fasixi Doonto!!.

Kooxaha ree Engalnd ee Liverpool iyo Arsenal ayaa la filayaa inay si fool ka fool ah markale usii wadan doonaan tartanka ay ugu jiraan saxeexa garabka kooxda Ajax ee Hakim Ziyech kaddib markii la ogaaday qiimaha ay kooxdiisu ku fasixi doonto.

Hakim Ziyech ayaa door aad u cajiib ah kasoo ciyaaray in kooxdiisu ay gaadhay afar dhammaadka tartanka Champions League sidoo kalena ay ku guuleysteen horyaalka Eredivise.

Frankie De Jong ayaa ah xiddiga ka tirsan Ajax ee ilaa haatan la fasaxay waxaana uu 65 Milyan ugu biiray Barcelona haatana wargeyska Mirror ayaa sheegaya in kooxda ree Holland ay go’aamisay inaysan Ziyech ku fasixi doonto ugu yaraan £30 Milyan.

Walow ay amaanta inta ugu badan ay helayaan xiddigaha Frankie De Jong iyo De Ligt haddana Ziyech ayaa soo ahaa xubin asaasi u ah Ajax isaga oo kusoo guuleystay xiddigii sanadka ee kooxdaas.

Xiddiga ree Morocco ayaa xilli ciyaareedkan soo dhaliyay 21 gool sidoo kalena 24 kale soo caawiyay waana xog qiime 30 Milyan ah aad uga tayo sarreysa.

Marc Overmars oo kamida madaxda suuqa kala iibsiga ee Ajax ayaa hore u sheegay in xiddigani uu u furan yahay inuu kooxda ka tago haddii ay kooxo heer sarre ahi u yimaadaan.

Haddii ay noqoto labada kooxood ee Liverpool iyo Arsenal ee Hakim suuqa ugu jira ayay Reds doonayaan sii balaadhinta awooda safkii kooxdooda ee kusoo guuleystay Champions League.

Dhinaca kale Gunners ayaa baahi weyn u qaba hal abuur kubadda gaadhsiiya Aubameyang iyo Lacazette waxaana haatan safkeeda ku yar xiddigaha garbaha ka ciyaara.

Arsenal ayaa ah kooxda ku gacan sarreyn doonta saxeexa Ziyech maadaama oo waraysi uu bixiyay 2017 uu ku sheegay inuu taageere u yahay kooxdaas.