XOG: Arin Layaableh Oo Uu Saxay SuperComputer-kii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Saadaaliyay Horyaalka Premier league, Miiskii Kala Saraynta Ee Uu Saadaaliyay Iyo Kan Xaqiiqda Noqday.

Bilawga xili ciyaareed kasta waxaa jira saadaal badan oo ay khabiirada kubbada cagtu ka bixiyaan sida uu noqonayo xili ciyaareedka horyaalka Premier League waxayna saadaaliyaan miiska kala saraynta gaar ahaan kooxda koobka ku guulaysan doonta iyo kooxaha Champions League u soo bixi doona ee kaalmaha afarta sare ku dhamaysan doona.

Laakiin sidoo kale waxaa jira saadaal kale oo uu bixiyo ‘SuperComputer’ kaas oo hab xisaab ah ku soo saara miiska kala saraynta Premier League ee maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa iyada oo saadaashan lagu sameeyo inta aan kubbada ugu horaysa ee xili ciyaareedka la baasan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saadaashii SuperComputer ee bishii August uu bixiyay ee miiska kala saraynta Premier league iyo waliba kooxdii uu u saadaaliyay in ay koobka Premier league ku guulaysanayso iyo waliba kooxaha kaalmaha sare.

Waxa ugu cajiibsan ee saadaashii bishii August ee horaantii xili ciyaareedkan uu bixiyay SuperComputer ayaa ah in Manchester City oo uu koobka Premier league u saadaaliyay ay koobkan ku guulaysatay, waxa kale oo layaableh in Manchester United oo uu kaalinta labaad u saadaaliyay ay iyaduna kaalinta labaad ku dhamaysatay.

Laakiin SuperComputer ayaa ku dhacay saadaalinta 18 ka kaalmood ee kale oo aanu si sax ah u saadaalin. Laakiin waxa ay hadda tahay in SuperComputer ay jamaahiirta kubbada cagtu ka aamini karto ayaa ah xogta uu ku saadaaliyo kooxda xili ciyaareedku inta aanu bilaaban loo arki karo in ay koobka Premier league ku guulaysan karto.

Marka lays barbar dhigo saadaashii ka hor xili ciyaareedkan ee SuperComputer iyo sida uu xili ciyaareedka Premier league ku dhamaaday waxaa jira isku dhawaansho badan oo kaalmaha qaar ah laakiin waxa uu ku guulaystay in kaalinta kowaad iyo laabad uu sideeda u saxay laakiin waxa uu qaladka ugu wayn ku galay kooxaha Burnley oo layaab samaysay xili ciyaareedkan si la mid ah kooxaha West Brom, Swansea City iyo Southampton oo heerkii laga filayay ka liitay.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo dhamaan saadaashii SuperComputer ee miiska kala saraynta Premier League ee ka hor xili ciyaareedkan iyo koox kastaaba kaalinta ay ku dhamaysatay oo aanu idiiku soo hor qornay.

20. Huddersfield Town (Kaalinta 16-Aad ayay ku dhamaysatay)

19. Brighton & Hove Albion (Kaalinta 15 -Aad ayay ku dhamaysatay)

18. Burnley (Kaalinta 7 -Aad ayay ku dhamaysatay)

17. Watford (Kaalinta 14 -Aad ayay ku dhamaysatay)

16. Stoke City (Kaalinta 19 -Aad ayay ku dhamaysatay)

15. Newcastle United (Kaalinta 10 -Aad ayay ku dhamaysatay)

14. Bournemouth (Kaalinta 12 -Aad ayay ku dhamaysatay)

13. Swansea City (Kaalinta 18 -Aad ayay ku dhamaysatay)

12. Leicester City (Kaalinta 9-Aad ayay ku dhamaysatay)

11. West Brom (Kaalinta 20 -Aad ayay ku dhamaysatay)

10. Crystal Palace (Kaalinta 11 -Aad ayay ku dhamaysatay)

9. Southampton (Kaalinta 17 -Aad ayay ku dhamaysatay)

8. West Ham United (Kaalinta 13 -Aad ayay ku dhamaysatay)

7. Everton (Kaalinta 8 -Aad ayay ku dhamaysatay)

6. Liverpool (Kaalinta 4 -Aad ayay ku dhamaysatay)

5. Arsenal (Kaalinta 6 -Aad ayay ku dhamaysatay)

4. Tottenham Hotspur (Kaalinta 3 -Aad ayay ku dhamaysatay)

3. Chelsea (Kaalinta 5 -Aad ayay ku dhamaysatay)

2. Manchester United (boqolkiiba boqol wuu saxay)

1. Manchester City (boqolkiiba boqol wuu saxay)