Antonio Conte Oo Si Gaar Ah U Dalbaday Saxeexa Xiddig Chelsea Amaah Kaga Maqan, Waxa Ka Cusub Arrimaha Bruno Fernandes & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Advertisements

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Sabti ah ay ka qoreen kubadda cagta.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Manchester United ayaa ku dhaw inay heshiis 60 Milyan ah la gaadho kooxda Sporting Lisbon iyaga oo ka doonaya saxeexa Bruno Fernandes balse heshiiska ayaan ahayn mid saacadaha soo socda dhaw dhaw. (Sky Sports)

Sidoo kale Manchester United ayaa doonaysa inay ciyaartoy khad dhexe ah qaab amaah ah kula soo wareegto ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka. (Manchester Evening News)

Inter Milan ayaa qarka u saaran inay la saxeexdaan daafaca kooxda Chelsea ee Victor Moses kaddib markii tababare Antonio Conte uu kooxdiisa si gaar ah uga codsaday inay sameeyaan saxeexa xiddigaas oo haatan amaah kula jooga Fenerbahce. (Daily Mail)

Sidoo kale Red Devils ayaa laba sano ku kordhiyay heshiiska daafacooda dhexe ee Eric Bailly iyadoo heshiiskiisa haatani uu ku eeg yahay ilaa dhammaadka 2022. (ESPN)

Daafaca bidix ee kooxda Paris St-Germain Lyvin Kurzawa ayaa sameeyay qish cusub oo muujinaya sida uu ugu biirayo kooxda Arsenal kaddib markii uu ku biiray wakaalad ku salaysan UK. (Evening Standard)

Arsenal ayaa sidoo kale la sheegayaa inay Kurzawa la gaadhay heshiis shan sano ah iyadoo uu PSG kasoo dhaqaajin doono suuqa xagaaga markaas oo heshiiskiisu dhacayo. (Express)

Sidoo kale agaasimaha ciyaaraha Arsenal ee Edu ayaa wadahadalo la furaya kooxda Athletico Paranaense isaga oo ka doonaya 22 sano jirka khadka dhexe ee Bruno Guimaraes. (Goal via Mirror).

Khadka dhexe ee kooxda Tottenham Christian Eriksen ayaa kusii dhawaanaya inuu ku biiro dhinaca Inter Milan kaddib wadahadalo guuleystay oo uu dhawaan la yeeshay Spurs. (Sun)

Kooxda ree Maraykan ee LA Galaxy ayaa la wareegtay weeraryahankii Sevilla ee Chicharito Hernandez iyagoo ka dhigaya xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka MLS-ka. (Sports Illustrated)

Khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Emre Can oo ku gacan saydhay Man United dhawaan ayaa u muuqda mid u wareegaya dhinaca AC Milan (Sportmediaset – in Italian)

Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa u la filayaa inuu mudo sagaal toddobaad kaddib ah kusoo laabto tababarka kooxdiisa waxaana wali rajo laga qabaa inuu Spurs diyaar u noqon doono badhtamaha bisha April. (Telegraph)

Advertisements