Antonio Conte Oo Shaki Xoogan Galiyay Mustaqbalka Daafaca Kooxdiisa Branislav Ivanović Ee Garoonka Stamford Bridge

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu sheegay inuusan ka war qabin joogitaanka daafaciisa Branislav Ivanovic ee garoonka Stamford Bridge, kaasoo si weyn lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo bishan January horyaalka Russian Premier League.

Branislav Ivanovic ayaa wuxuu maalmihii lasoo dhaafay dalab xoogan uu saxiixayo heshiis Laba sano iyo badh uu kaga imaanayay horyaalka Russian Premier League, kaasoo Usbuucii uu ku qaadan doono hadii uu saxiixo aduun dhan 82 kun pounds oo ay u balan qaaday kooxda Zenit Saint Petersburg.

Antonio Conte oo wax laga weydiiyay fursada uu u ka heli karo Branislav Ivanovic xiliyada soo aadan sii joogi taanka garoonka Stamford Bridge, ayaa wuxuu ku jawaab celiyay: “Waxba kama garanayo, waan garan karaa sida uu dalabka qaali u yahay, balse bishan dalabyo badan ayaa inta badan suuragal noqonin balse aan aragno sida uu xaalka noqdo”.

Macalinka ree Talyaani oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaa ku sii daray: “Wali waxaa bishan ka harsan maalmo kooban, ilaa iyo inta ka harsan suuqa ayaan ka dhur sugi doonaa, balse maamulka kooxda Blues waa ay ka war qabaan sida aan aniga doonayo”.

Comments

comments