Antonio Conte Oo Ka Saramaray Dhamaan Tababarayaashii Soo Maray Garoonka Stamford Bridge, Tan Iyo Markii Uu Kooxda Chelsea La Wareegay Milkiilaha Haatan Ee Roman Abramovich

 

Tababaraha ree talyaani iyo kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu noqday, tababarihii ugu horeeyay ee guulal farabadan la gaara kooxda Blues xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee garoonka Stamford Bridge, tan iyo markii uu kooxdan ree London Iibsaday miilkiilaha haatan ee Roman Abramovich.

Antonio Conte ayaa waxaa u suuragashay inuu xili ciyaareedkii ugu horeeya kooxda Blues uu guul la gaaro 22 kulan, 27 kulan oo ay kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ay xili ciyaareedkan ciyaartay, taasoo ka dhigeysa inuu safka hore kasoo galo macalimiintii uu lasoo saxiixday milkiilaha ree Russia.

Macalinkan ree Talyaani ayaa wuxuu Rikoodhkan kaga sara maray tababarayaal waaweyn ee kala duwan ee soo maray garoonka Stamford Bridge, kuwaasoo ay ka mid yihii tababaraha ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Carlo Ancelotti, Jose Mourinho iyo sidoo kale tababaraha ree Brazil Luiz Felipe Scolari.

Antonio Conte ayaa sidoo kale xili ciyaareedkan u suuragaliyay in kooxdiisa Chelsea uu xili ciyaareedkan ku hogaamiyo inay hogaanka u qabtaan horyaalka Premier League, waxayna 8 dhibcood ay ka sareeyaan kooxda ku soo xigta eek u jirta booska 2aad ee Arsenal.

.

Comments

comments