Antoine Greizmann Oo Markii Ugu Horreysay Si Toos Ah Loo Weydiiyay Wax Ku Saabsan Mustaqbalkiisa & Jawaabta Uu Siiyay Saxaafada.

Weeraryahanka xulka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Greizmann ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa kooxda ree Spain iyo goorta xal kama dambays ah laga gaadhi doono kooxda uu u wareegayo.

Mustaqbalka Greizmann ayaa ah mid u baahan in la xaliyo kaddib markii uu toddobaadyo kahor ku dhawaaqay inuu iskaga tagayo Atletico walow uusan wali shaacin kooxda uu sida rasmiga ah ugu biiri doono.

Inta ugu badan dadka kubadda cagta falanqeeya ayaa tilmaamaya inuu ku biiri doono kooxda Barcelona balse Barca ayaa lagu soo warramayaa in shaqsiyaadka ka arrimiyaa ay ku kala qaybsan yihiin lasoo saxeexashadiisa.

Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii la filayay inuu u wareego Camp Nou balse Greizmann ayaa wakhtigaas shaaciyay inuu kusii negaadayo Atletico Madrid waana sababta cadho ku abuurtay kala badh madaxda iyo ciyaartoyda Barca.

Si kastaba, Greizmann ayaa mustaqbalkiisa laga waraystay kaddib kulankii xakay xulkii France uu guusha ka gaadhay Bolivia balse waxa uu sheegay inuu wax jawaab ah oo muuqata bixiyo.

Greizman ayaa yidhi “Goorma ayaa mustaqbalkayga dib loo xalin doonaa?, Anigu ma garanayo, Taasi waa su’aal wanaagsan, Waxkasta waa xilli fiican”

Heshiiska Greizmann ayaa ah mid haatan lagu bur burin karo 200 Milyan balse waxa uu hoos ugu soo dhici doonaa 120 Milyan bisha July ee soo socota waana xilliga la filayo in kooxaha doonayaa ay xiisahooda si dhab ah u muujiyaan.

Bayern Munich, PSG, Real Madrid, Man United, Man City iyo Liverpool ayay macquul tahay inuu xilli ciyaareedka dambe midkood kasoo muuqdo haddiiba Barcelona ay si deg deg ah ugu kuur gali waydo saxeexiisa.