Ansu Fati Oo Markii Ugu Horaysay Maanta Qaatay Tababarkii Xulka Uu Doortay Ee Spain-Goormuu Kulankiisa Ugu Horeeya Ciyaari Karaa?

Da’yarka kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa maanta markii ugu horaysay waxa uu qaatay tababarka xulkiisa cusub ee Spain kadib markii uu FIFA ka helay ogolaanshaha rasmiga ah ee ah in uu matali karo Spain.

Ansu Fati ayaa markii hore lagu waday in uu ka ciyaaro kooxda da’yarta Spain ee U17 kuwaas oo dalka Brazil kaga qayb galaya koobka aduunka ee da’yarta laakiin waxaa loo dalacsiiyay kooxda U21 ee xulka Spain.

Ansu Fati oo xili ciyaareedkan si layaableh uga soo dhex baxay kooxda Barcelona ayaa xidhiidhka kubbada cagta Spain ku qasbay in ay markiiba talaabo deg deg ah qaadeen si ay Ansu Fati uga xoogaan dalalka Portugal iyo Genea Bisaw.

Laakiin tababaraha xulka qaranka Spain ayaa xataa ka fikiraya in Ansu Fati uu ka soo dalacsiiyo kooxda Under 21 ee uu maanta tababarkiisii ugu horeeyay la qaatay isaga oo tix galinaya in uu ku soo darsado liiska koobka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Horumarka layaabka leh ee uu Ansu Fati waqtiga kooban ku sameeyay ayaa sabab u noqday in uu ka soo dul booday kooxaha da’yarta Barcelona intooda ku soo xigta kooxda kowaad, laakiin markale ayuu kooxda kowaad ee xulka Spain uu ku soo boodi karaa.

Ansu Fati ayaa markii ugu horaysay looga yeedhay xulka qaranka da’yarta Spain wuxuuna badalay da’yarka ay isku kooxda Barcelona yihiin ee Carles Perez kaas oo uu dhaawac soo gaadhay.

Ansu Fati iyo kooxda da’yarta xulka Spain ayaa isku diyaarinaya kulanka talaadada ay la ciyaari doonaan Montenegro markaas oo uu Fati markii ugu horasyay xidhan doono maaliyada xulka uu doortay ee Spain.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayay farxad u noqotay in Ansu Fati looga yeedhay kooxda xulka Spain ee U21 maadaama oo laga daayay in uu ka ciyaaro kooxda U17 ee Brazil kaga qayb galaysa koobka aduunka ee da’yarta.