“Anigu Wax Shaki Ah Kama Qabo, Muhiim Ayuu U Noqon Doonaa Kooxda” – Sadio Mane Oo Amaan Kala Dul Dhacay Xiddig Ay Jamaahiirta Liverpool Ka Qalbi Jabeen.

Garabka xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa si balaadhan u amaanay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Naby Keita walow uusan xiddiga ree Guinea wali jamaahiirta si buuxda garoonka ugu qancin.

Fursadii uu Keita booskiisa shaxda koowaad ee Liverpool ku banaysan lahaa ayay la hadheen dhibaatooyin dhaawac oo dishooday dhawr jeerna kusoo noq-noqday tan iyo imaatinkiisii kooxda.

Liverpool news: Sadio Mane and Naby Keita

24 jirkan ayaa lacag dhan £52 Milyan ugu soo wareegay Anfield sanadkii 2018 waxaana uu tan iyo markaas soo matalay kulamo tirsan isagoo aan xilli ciyaareedkan wali kulan rasmi ah kooxdiisa u ciyaarin.

Keita ayaa dhaawac u dhibtooday kulankii afar dhammaadka Champions League ee ay Barcelona la yeesheen xilli ciyaareedkii hore.

Kaddib markii uu dhaawacaas ku seegay qaybihii dambe ee xilli ciyaareedkii hore haddana waxa uu markale dhaawac feedha ahi ku gaadhay tababarkii ka horreeyay kulankii UEFA Super Cup ee ay Chelsea ka guuleysteen.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu haatan Mane oo lagu sheego inay sida walaalo oo kale u wada dhaqmaan Keita kana soo wada tirsanaayeen kooxdii Salzburg sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin ciyaartiisa isla markaana uu dhalaali doono kaddib dhibaatooyinkiisa dhaawac.

Mane ayaa yidhi “Tan iyo maalmahayagii Salzburg, Isagu waxa uu ahaa nin wanaagsan, Saaxiib wanaagsan ayuuna ii ahaa aniga”.

“Isagu waa ciyaartoy sidaas cajiib u ah, Sidaa darteed waxaan filayaa in qofkasta uu arki doono marka uu dhaawacyadiisa kasoo kabto sida uu muhiim ugu noqon doono kooxdan, Wax shakiyo ah anigu kama qabo isaga”