Anigu waligay si xun ulama hadal dadka halkan jooga iyo kuwa kooxdan – Walow Ay Kaameradu Qabatay Isaga Oo Leh “F**k Off” Haddana Di Maria Oo Iska Fogeeyay Inuu Xumeeyay Jamaahiirta Man United

Garabka kooxda Paris Saint-Germain ahna xiddigii hore ee kooxda Manchester Unted ee Angel Di Maria ayaa ka hadlay isku dhacii iyo jawigii kacsanaa ee isaga lagaga soo dhaweeyay gegida kooxdiisii hore ee Old Trafford.

Kulankii dhex maray United iyo PSG ayaa ahaa bandhigii ugu fiicnaa ee uu Di Maria abid ku sameeyo Old Trafford marka laga yimaado inuu xilli ciyaareedkii 2014-2015 kusoo qaatay Manchester.

Xiddiga ree Argentina ayaa Ol Trafford kusoo laabtay isaga oo ay tahay inuu is cadeeyo oo uu is muujiyo waxaana uu sameeyay bandhig heer kale ah kaddib markii uu caawiye ka noqday labada gool ee ay Paris kulankan ka dhalisayba.

SIDOO KALE AKHRISO:  Daafaca Chelsea Andreas Christensen Oo Todoba Erey Ku Weeraray David Luiz Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Arsenal

Di Maria ayaa lagu qayliyay intii uu kulanku socday si lamid ah markii uu kasoo dagay baskii kooxdiisa keenay garoonka.

Haddaba, Angel ayaa sheegay inay markii hore adkayd inuu la tacaalo cadaawada kaga imanaysa dhinaca jamaahiirta balse ugu dambayn uu wixii la filayay ku fal celiyay kahor dhammaadka kulanka.

Dhinaca kale xiddiga ayaa markale sheegay in shaqsiga uu dhibaatada ku qabay wakhtigiisii Manchester uu ahaa kaliya tababare Van Gaal.

Di Maria ayaa yidhi “Waxay ahayd mid adag daqiiqadii furitaanka balse waan ogaa inay midani dhacayso, Laakiin hore waan u sheegay waanan ku celinayaa, Anigu waligay si xun ulama hadal dadka halkan jooga iyo kuwa kooxdan”

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddig Juventus Ah Oo Arsenal U Wareegi Kara Xataa Markuu Suuqu Xidhmo & LABA Kooxood Oo Uu Diiday Si Uu Gunners Ugu Biiro!!.

“Kuwani waa waxyaabo dhaca dadkuna si xun ayay u qaataan, Kaliya tababaraha (Van Gaal) ayaan halkan dhibaato ku qabay”

Marka laga yimaado hadalka kasoo yeedhay 30 jirkan ee ah inuusan si xun ula hadal shaqsiyaadka Manchester United gudaha kulankii xalay ayay ahayd markii ay kaameradu qabatay Di Maria oo ku qaylinaya erayga af-lagaadada ah ee “F**k Off”