“Anigu Ma Odhanayo Isco Muu Shaqayn Laakiin Kubadda Cagta Ayaa Sidaas Ah, Waa Inaad Eegto Waxa Aad Ku Xuntahay Oo Aad Horumar Ka Samayso”

Daafaca bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo Viera ayaa noqday xidddigii ugu dambeeyay ee ka hadlay xaalada cakiran ee kooxdaas ku haysata xiddiga Isco oo tan iyo magacaabistii kooxda ee tababare Santiago Solari dhibtoonayay.

Kaddib kulankii ay Real Madrid la yeelatay Roma, Marcelo ayaa ka hadlay in Isco uu tababare Solari ka saaray safkiisa kulankaas, In gabi ahaanba liiska kama dambaysta ah ee kulankan laga waayay Isco ayaa noqotay laayab.

Marcelo oo wax laga weydiiyay talada uu siin lahaa xiddigii hore ee Malaga ayaa sheegay inuusan isagu ahayn shaqsiga talada bixinaya balse ay tahay in Isco uu eego waxa fashilka ku keenaya kaddibna uu horumar sameeyo.

Daafaca ree Brazil ayaa yidhi “Anigu ma ihi midka bixinaya talada, Inagu waynu ka waawaynahay (Xiddigaha yar yar) waxaanu nahay waalid waanu ognahay waxa ay tahay inaanu qabano”

“Dhammaan ciyaartoydu waxay doonayaan inay ciyaaraan laakiin waa inaynu shaqayno taasina waa waxa ay ciyaartoyda oo dhami qabtaan”

“Anigu ma odhanayo Isco ma uusan shaqayn laakiin kubadda cagta ayaa sidaas ah, Waana inaad eegto waxa aad ku guuldaraysanayo oo aad horumarisaa”

Intaa kaddib Marcelo ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha kulankii xalay ee Roma iyo kulankii ay guuldarada miisaanka leh kala soo kulmeen kooxda yar ee Eibar.

“Kulankii Eibar, Maanu haysan meel banaan oo nagu filan, Kulanka aanu ka horjeednay Roma waxaanu haysanay kubadda laakiin qaybtii hore waanu dhibtoonay sababtoo ah cawsku ma uusan ahayn mid fiican”