“Anigu Horeba Waan U Ogaa Laakiin…….” – Gerard Pique Oo Sheegay Inuu Ogaa Qoddobkii Yaabka Lahaa Ee Laga Dhex Helay Heshiiska Lionel Messi Ee Barca.

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu ka war-qabay qoddobkii dunida kubadda cagta oo dhan ka yaabsaday ee lagu dhex arkay heshiiska Lionel Messi ee kooxdaas.

Warbixin dhawaan lagu daabacay il wareedka El Pais ayaa sheegaya in heshiiska Messi uu ku jiro qoddob cajiib ah oo sheegaya inuu dhammaadka xilli ciyaareed kasta awood u leeyahay inuu qaab lacag la’aan ah kaga tago Barca.

Haatan, Pique ayaa sheegay in warka El Pais uu yahay mid xaqiiqo ah isla markaana uu ogsoonaa in Messi uu fursadaas ku haysto heshiiskiisa laakiin waxa ugu muhiimsani uu yahay ka go’naanshaha Messi ee Barca iyo sida daacada ugu yahay.

Pique ayaa yidhi “Anigu horeba waan u ogaa in Messi uu awoodo inuu qaab xor ah ku tago dhammaadka xilli ciyaareed kasta laakiin dhammaanteen waanu ognahay ka go’naanshaha uu Leo u leeyahay Barca anigana ima wer-wer galiyo (Qoddobkaasi)”.

“Isagu waxa uu shaqaystay xuquuqda ah inuu awoodo waxa uu ku samaynayo mustaqbalkiisa kaddib waxkasta oo uu kooxda siiyay”.

Madaxweynaha haatan ee Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa la fahamsan yahay inuu ka shaqaynayo heshiis kordhin cusub oo uu ka saxeexo Messi kaas oo noqon doona heshiiskii ugu dambeeyay ee uu Leo qalinka ugu duugayo Barca.