“Aniga Wuxuu Ii Yahay Sidii Walaal Iga Weyn” – Xiddig Real Madrid Ka Tirsan Oo Zidane Ku Sifeeyay Mid U Taagan Booska Walaalnimo.

Daafaca bidix ee kooxda Real Madrid ee Marcelo Vieira ayaa banaanka keenay farxadiisa ku aadan inay kooxdiisu dib usoo celisay tababare Zinadine Zidane iyadoo ay labadoodu horeba u lahaayeen xidhiidh wanaagsan.

Marcelo ayaa soo qaatay xilli ciyaareed ay tahay inuu iska ilaawo kaddib markii uu hoos uga dhacay xulashada tababarayaashii kala dambeeyay ee Julen Lopetegui iyo Santiago Solari oo inta badan ka doorbidayay Sergio Reguilon.

Soo laabashada tababare Zidane ee kooxda ayaa markale Marcelo gacanta ka saaraysa fursadii labaad ee uu kooxda koowaad ugu soo laabanayo isaga oo markale ka dhigay dookha koowaad ee daafaca bidix.

Haddaba, Marcelo oo ka faaloonaya soo laabashada Zidane ayaa ugu horreynba sheegay inuu ku farxay soo laabashadiisa isaga oo dhinaca kale ku sifeeyay sida walaal ka weyn oo kale.

“Aniga waxa uu ii yahay sida walaal iga weyn, Maaha inuu aniga i ciyaarsiinayo markale laakiin farxada uu keeno” Ayuu hadalkiisa ku furtay Marcelo Vieira.

Dhinaca kale Marcelo oo aan loo xulan liiska xiddigaha xulka qaranka Brazil ee ka qayb qaadanaya Copa America ayaa sheegay in waxa kaliya ee isaga la gudboon uu yahay shaqayn adag si uu booskiisa dib ugu helo.

“Waxa kaliya ee aan samayn karo ayaa ah inaan u shaqeeyo si ka adag sidii hore si aan boos uga helo xulka qaranka, Waa mid kamida ujeedooyinkayga”

Ugu dambayn, Marcelo ayaa la weydiiyay wax ku saabsan xidhiidhka kala dhexeeya Cristiano Ronaldo waxaana uu sheegay inay jiraan waxyaabo kale oo aan ahayn kubadda cagta oo ay kawada xidhiidhaan.

“Waxaanu leenahay wax badan oo aad uga muhiimsan kaliya inaanu ka wada xaajoono kubadda cagta, Badanaa waxaanu kawada hadalnaa carruurtayada kuwaasoo sidoo kale ciyaara”