Aniga Oo Kaliya La Iguma Tiirsanaan Karo, Natiijooyinkii Ugu Danbeeyay Waa Ceeb- Lionel Messi Oo Digniin Adag U Soo Jeediyay Kooxda Valverde.

Barcelona ayaa xalay dirqi kaga badbaaday guuuldaradii labaad oo xidhiidh ah oo ku soo gaadhi lahayd horyaalka la liga waxayna kooxda koobka horyaalka La Liga difaanaysa ee Barcelona ay u muuqataa mid garan wayday qaabkii loo guulaysanayay saddexdii kulan ee ugu danbeeyay.

Barcelona ayaa labadii kulan ee ugu danbeeyay ee Cam Nou ku lumisay 4 dhibcood waana arin aan looga baran kooxda Valverde ee Barca balse saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ayay ku soo lumiyeen 7 dhibcood taas oo u muuqata wax qariib ah oo aan la rumaysan karin.

Laakiin jamaahiirta kooxda Barcelona oo markii horeba ka cadhaysnaa natiijoo xumida kooxdooda iyo waliba isbadaladii badnaa ee uu Valverde shaxdiisa ku samaynayay ayaa markale kulankii Athletic Bilbao arkay isaga oo Lionel Messi kaydka dhigay.

Lionel Messi oo aan inta badan saxaafada la hadlin kulamada kadib ayaa kadib kulankii Athletic Bilbao waxa uu ka soo muuqday saxaafada isaga oo wax laga waydiiyay haddii Barcelona ay isaga si buuxda ugu tiirsan tahay, wuxuuna diray digniin ah in aan hal ciyaartoy lagu tiirsnaan karin.

Lionel Messi ayaa bandhig layaableh sameeyay waqtigii intii uu ciyaartoyda ku jiray isaga oo darbo layaableh bira ku garaacay isla markaana sameeyay caawinta goolkii Munir barbaraha ugu keenay waxaana laga joojiyay fursado badan.

Ugu horayn Lionel Messi oo ka cadhaysan qaab difaacashada xun ee kooxdiisa Barca ee xili ciyaareedkan ayaa yidhi: ” Waxaanu ka warqabnaa in ay waajib nagu tahay in aanu ka sii xoganaano difaaca. Waxaanu ka soo baxnay xili ciyaareed ay adkayd in anaga goolal lanaga dhaliyo, isla markaana hadda wax yar ayay qaadanaysaa in gool lanaga dhaliyo, waxaa waajib nagu ah in aanu horumar samayno oo aanu difaac ahaan ka xooganaano, taas ayaa ah shayga ugu muhiimsan”.

Markii Lionel Messi la waydiiyay haddii Barcelona ay isaga inta ugu badan ku tiirsan tahay waxa uu muujiyay sida aanu arintan u doonayn wuxuuna yidhi: ” Waxaanu haysanaa koox iyo ciyaartoy si aanu koox fiican u noqono, si aad koox xoogan u noqoto waa in aanad qofna ku tiirsanaan. Tani waa Barca, waxaanu haysanaa ciyaartoy nagu filan si aanan hal mid ugu tiirsanaan. Naiijooyinkani waa ceeb, laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu deganaano sababtoo ah xili ciyaareedku wuu dheer yahay”.

Lionel Messi ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Natiijooyinku waa ceeb, laakiin xili ciyaareedku hadda ayuu bilaamayaa, waxaa waajib nagu ah in aanu sii socono, oo aanu wanaag ka rajayno anaga oo ka fikirayna arbacada (Kulanka Tottenham) markaas oo aanu kulan kale oo adag ku haysan doono Champions League, waxaa waajib nagu ah in aanu waxyaabo badan horumar ka samayno, laakiin waanu sii deganaan karnaa, sababtoo ah waxyaabuhu hadda ayay bilaamayaan”.