“Aniga Ahaan Waxa Uu Ii Yahay Weeraryahanka Ugu Fiican Premier League” Matteo Guendouzi Oo Amaan Ugu Qubeeyay Saaxiibkiisa Arsenal Ee Emerick Aubameyang.

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiisa kooxda ee E,erick Aubameyang kahor kulanka xiisaha badan ee ay booqan doonaan kooxda Liverpool toddobaadkan.

Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro ka dhigaya Premier League isaga oo goolkiisii 13-aad ka dhaliyay kooxda Brighton todobaadkan isla markana halka ugu sarreysa kaga jira kala sarreynta gool dhalinta.

Aubameyang ayaa xilli ciyaareedkan soo ahaa weeraryahanka ugu fiican horyaalka waana mid aad u wanaagsan in lala ciyaaro weeraryahan qaab ciyaareedkiisa oo kale leh waa sida uu Sky Sports u sheegay Guendouzi.

19 jirkan oo ka hadlaya wax ku saabsan weeraryahanka ree Gabon ayaa yidhi “Isagu inbadan ayuu na caawinayaa anaga sababtoo ah goolal aad u badan ayuu dhaliyaa”

“Aniga ahaan isagu waa weeraryahanka ugu fiican horyaalka xilli ciyaareedkan, Haddii uu sii wado gool dhalinta qaybta labaad ee xilii ciyaareedka, Waan hubaa waxaan dhab ahaantii meel sarreysa kaga dhammaysan doonaa miiska kala sarreynta”

“Ka khad dhexe ahaan, Waa raaxo in lala ciyaaro ciyaartoy isaga oo kale ah, Waa wax fudud in lala ciyaaro sababta oo ah waxa uu leeyahay tayooyin aad u badan”

“Isagu xaga dambe ayuu usoo ordi karaa, Waxa uu ku jiraa xerada goolka horteeda, Laakiin waxa uu sidoo kale isku soo xidhi karaa ciyaarta, Ciyaartoy khad dhexe ah sidani way u fiicantahay sababtoo ah waxa uu ku siinayaa xal aad u badan”