Andres Iniesta Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, Waqtiga Uu Ku Dhawaaqi Doono Iyo Sabab Khaas Ah Oo Go’aankan Ku Dhiiro Galisay.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa laga sugayaa in uu shaaciyo go’aanka mustaqbalkiisa Barcelona iyada oo ay tan iyo xili ciyaareedkan ay soo baxayeen warar sheegayay in Iniesta uu ka bixi doono Camp Nou dhamaadka xili ciyaareedkan inkasta oo uu saxiixay heshiis uu noloshiisa inta ka hadhsan ku sii joogi karo Barcelona.

Laakiin wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa shaaca ka qaaday in Andres Iniesta uu haddaba go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa isla markaana aanu hadda doonayn in uu ku dhawaaqo maadaama oo ay kooxdiisa u soo socdaan kulamao muhiim ah oo horyaalka La Liga iyo finalka Copa Del Rey ah.

Laakiin sida warka Sport lagu sheegay Andres Iniesta ayaa go’aansaday in uu Barcelona ka baxo dhamaadka xili ciyaareedkan isla markaana uu go’aankiisa saxaafada u soo bandhigi doono kadib finalka Copa Del Rey markaas oo uu si rasmi ah u shaacin doono in waqtigiisii dheeraa ee Camp Nou uu soo dhamaaday.

Dhinaca kale wargayska AS ee Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay in heshiiska Andres Iniesta iyo koox horyaalka China ah oo aan magaceeda la sheegin uu yahay mid dhamaystiran isla markaana ay wakiiladiisu hadda ku mashquulsan yihiin faah faahintii ugu danbaysay.

Dhinaca kale wargayska Sport ayaa shaaciyay in sababta gaarka ah ee Andres Iniesta ku dhiiro galinaysa in uu ku biiro kooxaha ree China ay tahay mid ganacsi maadaama oo uu doonayo in hawlihiisa ganacsi uu suuq gayn uga sameeyo dalalka barriga fog ee China ugu wayn yahay.

Andres Iniesta ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha barriga dhexe maadaama oo uu hore saaxiibkiisii kowaad ee Xavi Hernandez uu ka ciyaaro kooxda ree Qatar ee Al Sadd waxaana sidoo kale jiray warar kabtanka Barcelona la xidhiidhinaya kooxaha horyaalka MLS balse waxay hadda u muuqataa in uu go’aankiisa China qaatay.

Marka uu Andres Iniesta ku dhawaaqo bixitaankiisa waxay sidoo kale Barcelona shaacin doontaa qorshaha xaflada sagootintiisa sidii loo sameeyay Xavi Hernandez oo kale wuxuuna Iniesta u arkay in go’aankiisa uu shaacin karo waqtiga ugu haboon oo ah kadib finalka Copa Del Rey ee dhawaan la ciyaari doono.