Ander Herrera Oo Ku Dooday In Mohamed Salah Uusan Ahayn Xidiga Ugu Fiican horyaalka Premier League, & Xidiga Uu U Arko Inuu Yahay Kan Ugu Fiican.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Liverpool, wuxuuna kaga guuleestay tartanka gool dhalinta horyaalka Premier League xili ciyaareedkan xidiga Tottenham Hotspur Harry Kane, kadib markii uu dhaliyay 32 gool, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka dhaliya Premier League tir intaas gaarsiisan ee goolal ah, hal xili ciyaareed ka kooban 38 kulan.

Salah ayaa sidoo kale ku guuleystay ciyaaryahankii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkan, waxaase intaas sii dheer in kooxdiisa Liverpool uu ku hogaamiyay inay gadho finalka Champions League, Reds ayaana kala ciyaari doonta dhigeed Real Madrid 26-ka bishan May.

Si kastaba ha ahaatee, xidiga Manchester United Ander Herrera ayaan u arkin Mohamed Salah inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League. Mana uusan u dooran sidoo kale Kevin de Bruyne, balse wuxuu u arkaa in laacibka ugu fiican Premier League inuu yahay sida xiddiga Chelsea Eden Hazard.

Ander Herrera ayaa wareysi uu la yeeshay saxafiga Graham Hunter wuxuu ku sheegay: “Aniga ahaan, Hazard waa ciyaaryahanka ugu fiican Premier League, waa kan ugu fiican horyaalka sida ay ila tahay, waxaana arintan sheegay maalintii iigu horeesay ee halkan aan imid”.

Si kastaba Ander Herrera ayaa kaga hor imaan doona Eden Hazard sabtida soo aadan finalka koobka FA Cup ay wada ciyaari doonaan kooxaha Chelsea iyo Manchester United.