AMAKAAG: Shantii Qoddob Ee Waalida Ahaa Ee Ay Real Madrid Ku Diiday Antonio Conte Oo Banaanka La Keenay & Qoddob Madaxweyne Florentino Perez Amakaag Ku Noqday Oo Kaa Yaabinaya!!.

Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ahaa shaqsi qoddoba waali ah ku xidhay kooxda saxeexiisa sida weyn u doonaysay ee Real Madrid, Shantan qoddob oo u muuqda kuwo aan cuntamayn ayuu banaanka keenay wargeyska El Pias.

Tababaraha ree Talyaani ayaa haystay fursada uu ku noqonayo tababaraha kooxda caasimada Spain balse Qoddobadan uu hordhigay ayaa ah kuwo caddayn buuxda u ah sida uu iskaga diidayay inuu qabto shaqada cadaadiska la deriska ah ee Los Blancos.

Las demandas de Conte a Florentino eran inasumibles

Wargeyska El Pias ayaa banaanka keenay shan qoddob oo aan la rumaysan karin oo uu tababaraha ree Talyaani hor dhigay Madrid kuwaas oo qoddob kamid ahi uu si gaar ah uga naxsaday madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez oo ah shaqsiga tababarayasha werwerka weyn ku haya.

Qoddobka koowaad ayaa ah in tababaraha ree Talyaani uusan ugu horreynba jeclaysan hadaladii kasoo yeedhay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos kaas oo u sheegay in ixtiraamka la kasbado balse aan la isku qasbin.

Qoddobka labaad ayaa ah in Conte uusan marnaba ka helin oo uusan u riyaaqin dalabkii ugu horreeyay ee ay koxdu u gudbisay oo uu u arkayay mid aad u hooseeyay marka loo eego tababare isaga la heer ah.

Qoddobka saddexaad ayaa sheegaya in Conte uu kooxda ka dalbaday mushahar ka sarreeya 10 Milyan iyadoo ay intaasi u dheerayd inuu doonayay inuu kooxda keeno shan caawiye oo iyaga qudhoodu mushahar doonaya.

Qoddobka shanaad ayaa ah in Antonio uu doonayay in kooxdu samayso maalgelin culus isla markaana ay u keento saxeexyo badan oo waaweyn si cadna loogu sheego xiddigaha kooxda joogaya iyo kuwa ka baxaya.

Ugu dambayn, Qoddobka ka daadagi waayay madaxweynaha kooxda ee Perez ee looga yaabsaday ayaa ah in 49 jirkani uu dalbaday in laga dhigo shaqsiga ugu awooda badan kooxda dhexdeeda isla markaana xataa laga sareysiiyo Florentino oo derejadaas haatan haysta.