AMAKAAG: Ciyaartoyda Barcelona Oo Talaabo Amakaag Kugu Ridaysa Qaaday Intii Uu Socday Heshiiskii Neymar & Jacaylka Weyn Ee Ay U Qabaan Oo Caddaaday.

Xiddigaha waaweyn ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen talaabo layaab leh oo la xidhiidha saxeexii ay kooxdooda Paris Saint-Germain ka doonaysay suuqii xagaagan ee Neymar JR.

Arrinta xiddigaha ugu miisaanka culus Barca ay qaadeen ee uu haatan banaanka soo dhigay wargeyska Sport ayaa ah inay qaarkood lacago jeebkooda ka bixinayeen si kooxdu ay u awoodo oo ay usoo bixiso waxay Paris ku dalbanayso Neymar.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu uu sheegay in ciyaartoydu aysan ka fikirin arrimaha saxeexyada kooxda balse qaar kamida xiddigaha kooxda ayaa diirada aad ugu hayay arrimaha Neymar.

Xiddigaha kooxda ee la sheegay inay doonayeen inay jeebkooda ka bixinaan lacagta qayb kamid ah ayaa u arka 27 jirka ree Brazil mid muhiim ka ah kooxdooda iyo sidii ay markale uga hilaaci lahayd tartamada Yurub.

Xiddigaha xidhiidhka dhaw la leh Neymar ayaa kala ah Messi, Suarez iyo Gerard Pique walow warbixinta laga helay Sport aysan ahayn mid ciyaartoy gaar ah farta ku fiiqaysa haddana waa xiddigaha tuhunka ugu badan la gelin karo.

Waxa ugu weyn ee uu ku suurogali waayay heshiiskii Neymar uu ku doonayay ayaa ah dalabkii PSG oo ahaa lacago badan balse boodhka sarre ee kooxda ayaa doonayay inay caawiyaan kooxda waxaana soo raacay xiddigaha qaar walow aysan waxba qabsoomin.

Ugu dambayn, Heshiiska ay PSG ku qanci karaysay ayaa ahaa Ivan Rakitic iyo Todibo oo lagu daray Ousmane Dembele oo amaah ah iyo 125 Milyan balse Dembele ayaa iska diiday inuu Paris u wareego.