Alvaro Morata Oo Chelsea U Sheegay Inuu Doonayo Bixitaan & Kooxda Uu Doortay Oo La Ogaaday, Atletico Madrid Mise Barcelona?

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Spain ee Alvaro Morata ayaa lagu soo warramayaa inuu haatanba kooxdiisu ku war galiyay inuu doonayo bixitaan isaga oo dhinaca kale doortay kooxda uu rabo inuu u wareego.

Morata ayaa bilawgii xilli ciyaareedkii hore ku raaxaystay bilawga waayihiisa ciyaareed ee Chelsea kaddib inuu 10 gool kusoo dhaliyay 16-kii kulan ee ugu horreeyay balse bandhigiisa ayaa gaabis noqday isaga oo kaliya 15 gool soo dhaliyay guud ahaa xilli ciyaaredkii hore.

Markale, Dhibaatada Morata ayaa sii socota xilli ciyaareedkan isaga oo sagaal gool soo dhaliyay 24 kulan oo tartamada oo dhan ah, Chelsea ayaa haatan suuqa ugu jirta saxeexa weeraryahan cusub iyadoo Gonzalo Higuain uu yahay midka ugu sarreeya ee liiska weerarka ay doonayaan.

Haddaba, Wargeyska Libertad Digital  ayaa shalay oo Salaasa ahayd shaaciyay in Morata uu Chelsea ku wargeliyay inuu doonayo bixitaan isla markaana uu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Atletico Madrid taas oo meesha ka saaraysa xiisahii ay Barcelona u qabtay xiddigan.

Morata ayaan gabi ahaanba ku faraxsanayn magaalada London waxaana uu madaxda sarre ee Blues iyo Rojiblancos u sheegay sida uu u doonayo inuu ku laabto Madrid.

Libertad ayaa intaas ku daraya in si uu heshiiskani u qabsoomo ay marka hore tahay in Chelsea ay hesho Higuain isla markaana ay Chelsea fasaxdo midkood Nikola Kalinic ama Gelson Martins si ay boos kooxda ugaga banayso Morata.

Go’aankan uu Morata qaatay ayaa ah mid quus goyn u ah Barcelona iyo tababare Ernesto Valverde oo suuqa ugu jira weeraryahan kaaba Luis Suarez kaddib bixitaankii Munir El Haddadi oo dhawaan Sevilla ku biiray.