Allegri Oo Caddeeyey In Sannadka Cusub Uu Kusoo Laabanayo Tababarenimada Iyo Luuqadda English Oo Uu Si Fiican U Bartay

Advertisements

Tababarihii hore ee Juventus, Massimiliano Allegri ayaa sheegay inuu kusoo laabanayo shaqada tababarenimo oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu iska casilay Juventus dhamaadka xili ciyaareedkii hore.

Allegri oo lala xidhiidhinayo kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal, ayaa waxa uu qiray in magaalada Milan ee dalka Talyaaniga uu ku qaato casharo uu ku barayo luuqadda Ingiriisida, taas oo sii xoojinaysa wararka la xidhiidhinaya kooxaha Premier League.

Shan sannadood oo uu tababare u ahaa Juventus, Allegri waxa uu si xidhiidh ah ugu guuleystay horyaalka Serie A, waxaase uu go’aansaday inuu fasax ka galo shaqadaas, hase yeeshee waxa in muddo ahba la sugayey halka uu saldhigi doono iyo kooxa uu ku dambayn doono.

“Sannadka dambe wuxuu noqon doonaa mid muhiim ahh. Wuxuu muhiim u yahay dookhayga kooxda aan dooran doono, waana inaan u diyaarsanaado.” Ayuu yidhi Allegri oo la hadlayey warbaahinta ESPN.

Allegri waxa uu sheegay in uu qaato duruus uu ku baranayo luuqadda Ingiriisida, waxaanu yidhi: “Waxaan Milan ku qaadanayaa casharo aan ku baranayo English-ka. Waxaan hadda awoodaa inaan si fiican ugu hadlo, waxa igu yara adag qaybta dhegaysiga.” Ayuu raaciyey.

Advertisements

52 jirkan u dhashay Talyaaniga ayaa waxa loo badinayaa in kooxda Bayern Munich oo Niko Kovac shaqada ka caydhisay inuu la wareegi doono, halka Arsenal oo Unai Emery eriday ay wali kusoo laaban la’dahay jidka guusha, iyadoo uu Ljungberg oo ku-meelgaadh ahna ay xaaladdu ku xun tahay.

 

Advertisements