Alla Maxay Koox Ahaan Lahayd! Miyay Jirtaa Cid Joojin Kartaa? Miyay Jirtaa Cid Joojin kartaa?UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Abid Ugu Fiican Yurub Iyo Qaabka Xulashadan Lagu Saleeyay Oo Koox Cajiib Ah Soo Saaray.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ayaa kadib markii ay soo saareen 50 ka musharax ee shaxda kooxda sanadkan 2018 Yurub ugu fiican waxay sidoo kale hadda soo saareen shaxda kooxda abid ugu fiicnayd Yurub.

UEFA ayaa shaxda kooxda abid ee qaarada Yurub ugu fiicnayd waxay ku saleeyeen ciyaartoydii sanadaha ugu badan ku soo baxay shaxda kooxda Yurub ugu fiican iyada oo 11 ka xidig ee boos kasta ugu soo xulashada badnaa shaxdan layskugu keenay.

Waxayna taasi keentay in ay soo baxdo shax layaableh oo ah kooxda riyada ee uu tababare kastaaba jeclaan lahaa in ay kooxdiisa dhabta ah noqon lahayd.

Todoba ka mid ah shaxda kooxda abid ugu fiican Yurub waxay wali ku sii dhex jiraan kubbada cagta halka afar kale ay ciyaaraha ka fadhiisteen.

Goolhayaha kooxda FC Porto isla markaana ahaa kabtankii waqtiga dheer ee Real Madrid ayaa goolka ugu jira shaxda kooxda abid ugu fiican Yurub ee lagu saleeyay xidigaha sanadaha ugu badan ku soo baxay shaxda kooxda yurub ugu fiican ee ay jamaahiirtu u codeeyaan.

Sergio Ramos, Carles Puyol, Gerard Pique iyo Philipp Lamh ayaa buuxiyay afarta difaaca ah ee shaxda kooxda abid ugu fiican Yurub ee codka taageerayaasha sanad kastaba ku salaysnayd.

Shaxda kooxda abid ugu fiican Yurub waxaa khadka dhexe ugu jira Xavi Hernandez ioy Andres Iniesta oo aduunka Barcelona ku soo wareeriyay waxaana barbar taagan kabtankii waqtiga dheer Liverpool ku soo qaatay ee Steven Gerrard.

Weerarka sahxda kooxda abid Yurub ugu fiican waxaa ku wada jira Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo halyaygii reer France ee Thierry Henry taas oo shaxdan ka dhigtay mid wareer ah.

Haddaba halkan kaga bogo sababta ay xidigahani uga soo muuqdaan shaxda kooxda abid ugu fiican Yurub iyo mid kastabaa tirada sanadihii uu shaxda kooxda sanadka ee Yurub ka soo muuqday.

Magaca Ciyaartoyga, booska uu shaxdan kaga jiro, iyo sanadihii uu ku soo baxay shaxda kooxda Sanadka Ee Yurub Ugu Fiican.

Iker Casillas | Goolhaye | 2007, 2008, 2009, 2010, 2011, 2012

Sergio Ramos | difaaca midig | 2008, 2012, 2013, 2014, 2015, 2016, 2017

Philipp Lahm | difaaca bidix | 2006, 2008, 2012, 2013, 2014

Carles Puyol | Difaaca Dhexe | 2002, 2005, 2006, 2008, 2009, 2010

Gerard Pique | Difaaca Dhexe | 2010, 2011, 2012, 2015, 2016

Xavi | Centre-Khadka dhexe | 2008, 2009, 2010, 2011, 2012

Andres Iniesta | Khadka dhexe | 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2016

Steven Gerrard | Khadka dhexe | 2005, 2006, 2007

Cristiano Ronaldo | Weerarka | 2004, 2007, 2008, 2009, 2010, 2011, 2012, 2013, 2014, 2015, 2016, 2017

Lionel Messi | Weerarka | 2008, 2009, 2010, 2011, 2012, 2014, 2015, 2016, 2017

Thierry Henry | Weeearka | 2001, 2002, 2003, 2004, 2006

Sidoo kale halkan kaga bogo Qaabka Ay UEFA Shaxdan u Habaysay:

Haddaba akhriste miyay jirtaa shax kale oo gaadhi karta shaxda kooxda abid Yurub ugu fiican ee ay UEFA ku soo xushay ciyaartoyda sanadaha ugu badan ka soo muuqday shaxda kooxihii sanad kastaba ugu fiicnaa?

16 Comments

    • Laakiin Messi iyo Steven Gerrard shaxdan ayay ku jiraan, soo xulo shax ayna ku jirin ciyaartoyda shaxda UEFA oo iska calin kara shaxdan. Mahadsanid.

  1. 1.buffan .2.cafu .3.carlos.4.nesta.5.maldini.
    6.Makelle .7.kaka.8.zidane.9.Luis Ronaldo.10.Ronaldinho.11.luis figo.

  2. Petr Cech
    Cafu Terry Maldini Carlos
    Zidane Viera Pogba
    Ronaldinho Eto’o Kaka
    How do you see this team

  3. Buffon
    cargher maldini van dejik Roberto carlos
    Zidane toni karoos Ronaldinho

    Luis ronaldo Totti Delpiero

  4. peter chech j. tery r, ferdinard sh. cole m . cafu d. motto p.nedved l.figo f socolari l. d. ronaldo f. totti

  5. 1 buffon
    13 nasta 2 cannavaro 3 maldini

    7 kante 4 makelele

    21 pirlo

    8 kaka 5 zidane 10 ronaldinho

    9 n Ronaldo

  6. Dhabtii shaxdaan waa shax aad looga fikiray,inkastoo cayaartooy aan laga tegi karin laga reebay shaxda, haddana waxa ay ila tahay in la eegayo dhinacyo kale sida; kala badnaanshaha xaga safashada finalka.

  7. Intaas waa inta ugu macquulsan, wax iska cekin karana ma jiro.
    Kaydka waxaan u dhigi lahaa, goolhaye Buffon, difaac: 1.Dani alaves, 2.fabia Cannavarro,
    3 Rio Ferdinand, 4.John Terry,
    Dhexda 7. Lampard, 8.cesc Fabregas. 9. Pirlo
    10. Ronaldinho
    Weerar. 11. Eto 12. Drogbo
    4-4-2
    Tababaruhuna waa Gourdiola.

  8. 1 David de Gea

    2 Dani Carvajal 4 Ramos 5 Virgil van Dijk 3 marcelo 6 Kante Andrés Iniesta 14 Luka Modrić
    11 neymar 10 messi 7 Ronaldo

Comments are closed.