Alla Ceeb Waynaa! Cristiano Ronaldo Oo Isaga Oo Shan Bilood Ka Maqnaa Real Madrid Haddana Noqday Xidiga Real Madrid Gool Dhalinteeda 2018 Hogaaminaya.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta kowaad ee gool dhalinta Real Madrid ku dhamaystay sanadkan 2018 inkasta oo uu shantii bilood ee ugu danbeeyay u ciyaarayay kooxdiisa hadda ee Juventus waxayna xogtani ceeb iyo bahdilaad ku tahay ciyaartoydii uu Ronaldo kaga soo tagay Bernabeu.

Laakiin sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad kaga dhamaystay gool dhalinta sanadkan 2018 ee kooxdiisa Juventus waxaana ka horeeya oo kaliya hal xidig taas oo muujinaysa sida uu heer kale uga yahay labada kooxood ee uu sanadkan 2018 soo matalay.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta kowaad ee gool dhalinta Real Madrid ku galay 28 gool oo uu ka soo dhaliyay qaybtii hore ee sanadkan ee ka hor intii aanu Juventus ku biirin waxaana la yaab ah in aanu hal ciyaartoy oo Real Madrid ahi gaadhin 28 kii gool ee uu Ronaldo dhaliyay shan bilood ka hor.

Cristiano Ronaldo ayaa 22 kulan oo uu sanadkan 2018 u soo ciyaaray Real Madrid waxa uu ku soo dhaliyay 28 gool laakiin Gareth Bale oo xidiga ku soo xiga ah ayaa 48 kulan oo uu sanadkan 2018 u saftay Real Madrid waxa uu ku soo dhaliyay 27 gool taas oo Ronaldo ka dhigtay xidiga kaalinta kowaad kaga dhamaystay gool dhalinta Madrid ee sanadkan.

Karim Benzema oo kaalinta saddexaad ee gool dhalinta sanadkan ee Madrid ayaa 18 gool oo kaliya ku soo dhaliyay 53 kulan oo uu ciyaaray 2018 waxayna Bale iyo Benzema ceeb ugu filan in Ronaldo oo shan bilood ka hor kooxdooda ka baxay uu kaalinta kowaad wali kaga dhamaystay!.

Laakiin Ronaldo oo 15 gool u soo dhaliyay kooxda Juventus ayaa noqday xidiga laabad oo kaliya ee gool dhalinta ugu badan u soo sameeyay kooxdiisa Juventus waxaana kaalinta kowaad ka qaaday Pualo Dybala oo sanadkan 2018 ku dhamaystay kaalinta kowaad ee gool dhalinta Juve wuxuuna soo dhaliyay 16 gool.

Halkan kaga bogo ciyaartoy Kasta oo Real Madrid Gool U Soo dhaliyay Sanadkan Dhamaadka ah Ee 2018.

Cristiano Ronaldo, 28 goal iyo 22 kulan
Gareth Bale, 27 gool iyo 48 kulan
Karim Benzema, 18 gool iyo 53 kulan
Sergio Ramos, 10 gool
Marco Asensio, 8 gool
Isco, 8 gool
Lucas Vazquez, 7 gool
Marcelo, 7 gool
Casemiro, 4 gool
Kroos, 4 gool
Mayoral, 3 gool
Modric, 2 gool
Nacho, 2 gool
Vinícius, 2 gool
Carvajal, 1 gool
Ceballos, 1 gool
Llorente, 1 gool
Odriozola, 1 gool
Mariano, 1 gool
Achraf, 1 gool
Javi Sanchez, 1 gool
Cristo Gonzalez, 1 gool