Alexis Sanchez Oo Wakiilkiisa Ka Codsaday Inuu Koox Cusub U Raadiyo Iyo Sababta Ugu Weyn Ee Ay Kooxuhu Ku Diidi Doonaan Oo La Ogaaday!!.

Garabka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa durtaba u muuqda mid ka qalbi jabsan kooxdiisa waxana lagu soo warramayaa inuu wakiilkiisa ka codsaday inuu koox cusub u raadiyo si uu uga baxo Old Trafford oo uu kaliya 9 bilood ku sugan yahay haatan.

Sanchez ayaa tan iyo kusoo biiristiisi Man United lumiyay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay waxaana uu ilaa haatan lu ku yeeshay 10 gool oo uu afar kamid ah dhaliyay isla markaana uu lix kale caawiye ka noqday 25 kulan oo uu ciyaaray.

Haddaba, Iyada oo Alexis uu haatanba wakiilkiisa u dirsaday dalab ah koox cusub, Maxay tahay sababta ugu weyn ee ay kooxaha ree Yurub ku diidi doonaan? Sanchez ayaa caqabada ugu weyn kala kulmaya mushahaarkiisa 450 kun ah toddobaadkii waana lacag ay kooxaha kale si fudud ku diidi doonaan.

Goolkii uu Sanchez dhawaan ka dhaliyay kooxda Newcastle ayaa ah midkiisii ugu horreeyay ee uu Red Devils u dhaliyo tan iyo bishii April waxaana ay caddayn buuxda u tahay hoos u dhaca hanaankii uu caanka ku ahaa.

Burburkii xidhiidhkii jacayl ee ka dhaxeeyay Sanchez iyo Mayte Rodriguez ee dhawaan ay ku kala tageen ayaa kamid ah sababaha ugu waaweyn ee loo aanayn karo hoos u dhaca bandhigyadiisa.