Alexander-Arnold Oo Ka Maqnaan Doona Liverpool Kulanka Ay Man Utd Laciyaarayaan.

Liverpool ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhanka Daafaca ah ka hor Kulanka ay Axada La ciyaarayaan Kooxda Ay sida wayn u Xifaltamaan ee Manchester United, Waxaana Xaalada uga sii daray in Daafaca Trent Alexander-Arnold uu ku biiray liiska sii dheeraanaya ee Dhaawacyada Reds.

20 jirkaan ayaana seegi doona kulanka muhiimka u ah Kooxdiisa kaasoo ka dhici doona Anfield, kadib markii u dhaawac kasoo gaadhay Canqawga intii lagu guda jiray kulankii ay Talaadadii la ciyaareen Napoli kaasi oo ka tirsana Horyaalka Yurub, waxaana sii badanaysa Baqdinta laga qabo in uu maqnaado kulamada xidhiidhka ah ee kusoo wajahan Kooxdiisa.

Dhaawaca Xiddigaan ayaana ku yimi Klopp wakhtigii ugu xumaa, kaasoo ka warqaba in Daafaca Dhexe ee Joel Matip uu isna maqnaan doono ilaa iyo Lix Isbuuc, Matip ayaa isna ku dhaawac may kulankii Talaadada, Sidoo kale waxa isna wakhti kaas la mid ah maqnaan doona Daafaca kale ee Joe Gomez oo isaguna horaantii bishan dhaawac soo gaadhay.

Tan ayaana la micno ah in Klopp uu haysto kaliya laba daafac oo kooxda koobaad ah kuwaasoo diyaar ah wakhtigan oo muhiim u ah xili ciyaareedkooda, Dejan Lovern ayaana kula midoobi doona daafaca dhexe Virgil van Dijk kulanka United.