DAAWO: Alex Iwobi Oo Xulka Qarankiisa Nigeria Ku Hogaamiyay Koobka Aduunka Ee Russia 2018 Iyo Super Eagales Oo Noqday Qarankii Afrika Ugu Horeeyay Ee Boos Ka Helay Koobka Aduunka.

Xulka qaranka Nigeria ayaa iska xaadiriyay koobka aduunka ee Russia 2018 kadib markii ay guul ka gaadheen xulka qaranka Zambia waxaana guushan Super Eagles ku hogaamiyay xidiga kooxda Arsenal ee Alex Iwobi kaas oo kulankan ka dhaliyay goolka kaliya ee ay xulka qarankiisa Nigeria ku garaaceen Zambia si ay boos uga helaan koobka aduunka ee sanadka soo socda ka qabsoomi doona Russia.

Kooxda xulka qaranka Nigeria ee uu hogaaminayo tababare Gernot Rohr ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxay Group B kadib markii ay 5 kulan ka soo heleen 13 dhibcood halka Zambia oo kaalinta labaad 7 dhibcood ugu jirtaa ay rajo ka qabtay in ay soo bixi karto laakiin guuldarada soo gaadhay ayaa keentay in xataa haddii ay guulaysato kulanka ugu danbeeya ayna dhibco ahaan ku soo gaadhayn Nigeria.

Nigeria ayaa markii lixaad u soo baxday koobka aduunka waxaana ka horaysa oo kaliya Cameroon  oo hore 7 jeer koobka aduunka ugu soo baxday laakiin xulka qaranka Cameroon oo guul ka gaadhay Algeria ayaa kaalinta saddexaad ee Group B ugu jira 6 dhibcood halka Algeria ay kaalinta ugu hoosaysa ugu jirto 1 dhibic oo kaliya waxayna shan kulan ka soo heleen hal dhibic oo kaliya.

Xulka qarnka Nigeria ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika ah ee u soo baxay koobka aduunka ee Russia 2018 laakiin waxaa jira kulamo hadda socda kuwaas oo natiijadooda la ogaan doono marka ay soo dhamaadaan haddii ay jiri karaan xulal kale o Nigeria kula soo biiri kara koobka aduunka ee Russia.

Kulamada hadda socda waxaa ka mid ah kulanka ay wada ciyaarayaan Guinea iyo Tunisea halka Libya – Congo DR ay kulan kale wada ciyaarayaan waxaana sidoo kale socota ciyaarta dhex maraysa xulalka qaramada Senegal iyo jasiirada Cape Verde Islands.

Miiska Kala Saraynta Group B Ee Uu Xulka Qaranka Nigeria Ka Soo Baxay Kadib Shan Kulan Oo La Ciyaaray:

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Goolka Uu Alex Iwobi Uu Xulka Qarankiisa Nigeria ugu soo saaray Koobka aduunka:

Comments

comments