Ala Muxuu Rag Lasoo Ciyaaray!! – Shax Aan La Rumaysan Karin Oo Ah Xiddigihii Ugu Fiicnaa Ee Uu David Beckham Lasoo Ciyaaray Oo Lasoo Xulay

Il-wareedka Footy Accumulators  ayaa soo xushay shaxda xiddigaha ugu fiican ee uu abid kasoo garab ciyaaray halyeeyga xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee David Beckham oo tiro kooxo ah oo waaweyn soo matalay.

Kabtankii hore ee xulka qaranka England ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay Man United oo uu akaademigeeda kasoo baxay isaga oo halkaas kusoo qaatay sagaal xilli ciyaareed oo guul ah.

Intaa kaddib Beckham ayaa sanadkii 2003 ka dhaqaaqay Man United kaddib markii ay isku dhaceen tababare Sir Alex Ferguson isaga oo usoo ciyaaray kooxo ay kamid ahaayeen Real Madrid, AC Milan iyo Paris Saint-Germain.

Intii lagu gudo jiray waayihii ciyaareed ee uu kooxahaas kusoo qaatay iyo waliba xulka England, Beckham ayaa ahaa mid nasiib ku yeeshay inuu ka garab ciyaaro qaar kamida xiddigaha dunida ugu fiican.

Aan ku bilawnee shaxdan uu usoo xulay Beckham Footy Accumulators ayaa ah mid uu goolka ku jiro Peter Schmeicel oo ay wakhti badan oo dahabi ah kusoo wada qaateen Manchester United

Labada daafac dhexe ayaa ah halyeeyadii ree Talyaani ee Paolo Maldini iyo Alessandro Nesta oo uu Milan wakhti kula qaatay, daafaca midig ayaa ah Gary Neville oo ay Man United akaademigeeda isku mar kasoo baxeen halka uu daafaca bidix yahay Roberto Carlos oo ay Real Madrid qayb kasoo wada ahaayeen.

Khadka dhexe ee shaxdan khayaalka ah ee xiddigaha uu lasoo ciyaaray Beckham ayay ku midaysan yihiin kabtankii Man United ee Roy Keane, Paul Scholes oo isku xidhaha Man United ahaa iyo halyeey Zinadine Zidane waana khad dhexe oo aan la loodin karin.

Weerarka shaxdan ayaa kala ah Ronaldinho oo ay AC Milan kusoo wada qaateen Beckham, Luis Figo oo ay Madrid iskaga soo garab ciyaareen iyo waliba Ronaldo Nazario oo ay qudhisa Madrid iskula soo ciyaareen.

Keydka Shaxdan Beckham:  Iker Casillas, Sergio Ramos, Fabio Cannavaro, Kaka, Andrea Pirlo, Ryan Giggs, Eric Cantona

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook