Ala Muxuu Kooxda Xiiso & Niyad U Hayaa – Daawo SAWIRRADA Denis Suarez Oo Durtaba Kaligii Tababar Ku Qaadanaya Xerada Tababaraka Kooxdiisa Cusub Ee Arsenal.

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Denis Suarez ayaan wax wakhti ah iska lumin isaga oo si deg deg ah u tagay xerada tababarka kooxdiisa cusub kaddib markii uu heshiis amaah ah kaga yimid Barcelona maanta oo Khamiis ah.

Khadkan dhexe ee 25 jirka ah ayaa Gunners ugu soo biiray heshiis amaah ah oo ku eeg ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka isla markaana ay kooxdu dookh u haysato inay suuqa xagaaga si rasmi ah ula wareegto.

Kaddib markii usoo dhaqaaqistiisa Arsenal lagu dhawaaqay, Suarez ayaa markiiba xawaarihiisa ku muujiyay xerada tababarka halkaas oo uu indho indhayn ugu samaynayay tababaraha taam ahaanshaha jidheed ee Gunners ee  Julen Masach.

Denis ayaa kooxdiisa cusub u muujinaya xiiso iyo heelanaan cajiib ah waxaana uu doonayaa inuu si deg deg ah garoomada uga dhex muuqdo kaddib in Barca aysan mudo dheer ciyaarsiin isaga oo gacanta loo geliyay lambarka Maaliyada No.22.

Imaatinka Suarez ayaa kusoo aadaya xilli kooxdiisu ay booska afraad hanaanka kala duwanaanshaha goolashii ay Chelsea ku kala adkaadeen labadii kulan ee League ay kaga horrayso Blues waxaana macquul ah inuu kulankiisa ugu horreeya kahor tago kooxdiisii hore ee Man City oo ay Axada booqanayaan.

Ku laabashada Champions League ayaa muhiim u ah tababare Unai Emery oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Arsenal ku qaadanaya waxaana uu Suarez dhinaciisa sheegay inuu doonayo inuu kooxda caawiyo.

Halkan Kaga Boggo Sawirada Laga Qabtay Denis & Sida Uu Tababarka Kaligii U Qaadanayo

Denis Suarez was straight out onto the training pitch upon completing his Arsenal move 

The 25-year-old Suarez has joined Arsenal on loan for the rest of the season from Barcelona 

Suarez went through his paces under the observation of Arsenal fitness coach Julen Masach

Suarez has taken the No 22 shirt and could make his debut for Arsenal this weekend 

Suarez trained alone at Arsenal's Ashburton Grove complex on Thursday 

Suarez said he wants 'to play as much as possible' for Arsenal upon his arrival 

Suarez underlined his desire for Europa League glory after completing his switch