AKHRISO Sheekada Xiisaha Leh Ee Dhex Martay Dhakhtarad Taageerta Atletico Oo Korona Ka Dawaysay Bukaan Real Madrid Ah & Hadal Ay Ka Keentay

Gabadh kalkaaliso ah oo lagu magacaabo Rouss isla markaana taageere u ah kooxda Atletico Madrid ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigtay sheekada dhex martay bukaan taageere u ah Real Madrid oo qabay xanuunka dunida dhibaatada ku abuuray ee Korona.

Sheekadan ay soo dhigtay Twitter-ka ayaa noqotay mid ay jeclaysteen (Like gareeyeen) ku dhawaad 70 kun oo qof halka ay dib barahooda Twitter-ka ugu daabaceen ilaa 8 kun oo qof.

Rouss ayaa sheegtay in taageerahan Real Madrid ah iyada oo si kaftan ah ugu sheegtay in hadalka ugu horreeya ee ay tahay inuu qoyskiisa ku yidhaahdaa ay noqoto odhaahda “Aupa Atleti” oo ah eray lagu taageero Rojiblancos.

Kalkaalisadan oo sheekadan ka warramaysa ayaa tidhi “Bukaankii ugu dambeeyay ee saarnaa sariirta naqaska ayaa bilaabay inuu hadlo, isagu waxa uu ahaa taageere Real Madrid ah”

“Waxaan si kaftan ahaan ah ugu idhi in odhaahda ugu horreysa ee ay tahay inuu qoyskiisa ku yidhaahdaa ay tahay “Aupa Atleti”, waanu qosolnay”

“Wiilkiisii ayaa usoo galay kaddib laba bilood iyo badh aanu hadal, waxa uu ku yidhi “Aupa Atleti”, aniga ayuu isoo eegay, waanu qosolnay, kaddib waxaan bilaabay inaan ooyo”

Rouss ayaa sheegtay in markii ay ogaatay inuu bukaankeedu yahay taageere Real Madrid ah ay usoo daabacday calaamada kooxdaas isla markaana ay daaqada ugu dhajisay si uu u arko markasta.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook