Akhriso Qodobadii Xaasaasiga Ahaa Ee Kooxaha Yurub Maanta Kaga Wada Hadleen Shirkii Ay Iskugu Yimaadeen Iyo Xogta Laga Hayo.

Ururka kooxaha Yurub ee magiciisa loo yaqaan European Club Association (ECA)  ayaa maanta oo isniin ah kulan ka yeeshay xaaladaha cakiran ee kubbada cagta soo wajahay waxaana xog laga helay qodobadii ugu muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen.

Ururka European Club Association (ECA)  ayaa kulmiya kooxaha Yurub ugu waa wayn iyo guud ahaan kooxaha dalalka Yurub, waana ururka ugu wayn ee ay kooxuhu kaga arinsadaan arimahooda muhiimka ah.

Ururka kooxaha Yurub ee (ECA) ayaa maanta ka wada xaajooday arimo dhawr ah iyada oo kooxaha Yurub ay wajahayaan waqti aad u adag oo samayntiisa xun yeelan kara.

Qodobada ay kooxaha Yurub maanta oo isniin ahayd ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa sidii ciyaartoyda kubbada cagta ay kooxuhu ugu qancin lahaayeen in ay mushaarkooda hoos u dhigaan, waxa kale oo laga hadlay saamaynta coronavirus iyo qodobka saddexaad oo ah sidii loo dhamaystiri lahaa kulamada baaqiga ka ah xili ciyaareedkan.

Ururka kooxaha Yurub ee (ECA)  ayaa ka wada hadlay sidii ciyaartoydu ay mushaarkooda u dhimi lahaayeen kadib saamaynta xun ee uu dhaqaalaha kooxaha ku yeeshay caabuqa corona virus, laakiin wax walba oo kulankan looga hadlay waxay kooxuhu u baahan yihiin in ay ciyaartoydooda si rasmi ah ugala heshiiyaan in mushaar dhimis lagu sameeyo.

Waxa kale oo ay madaxda kooxaha Yurub ee (ECA) ka wada hadleen sidii dib u qaabayn loogu samayn lahaa jadwalkii kulamada baaqiga ka ah xili ciyaareedkan iyaga oo go’aankooda ula tagi doona UEFA oo maamusha tartamada Yurub halka ay wixii horyaalada maxaliga ah ula tagi doonaan maamulada wadamada ay kooxuhu ka dhisan yihiin.

Laakiin sida xogta shirkan laga helay lagu cadeeyay kooxaha Yurub ee hoos yimaada ururka (ECA)  ayaa ku kala duwanaaday xaalada ay ku jiraan waxayna kooxuhu u qayb sameen kooxo ay mulkiyadiisa iska leeyihiin shaqsiyaad gaar ah halka kooxaha qaar ay yihiin kooxo dad badani wada leeyihiin.
Kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa noqday kooxaha aanu shaqsi kaliyi lahayn iyada oo kooxahan ay mulkiyadooda leeyihiin xubno loo yaqaan club Members halka kooxaha sida Man City, PSG, Chelsea iyo kuwo la mid ah ay mulkiyadooda leeyihiin shaqsiyaad gaar ah, taas oo qaabka mushaar dhimista ciyaartoyda looga doodayay ka dhigtay mid kala duwan.
Qodobka mushaar dhimista ciyaartoyda kooxaha Yurub ee looga hadlay ururka kooxaha Yurub ee (ECA)  ayaa sidoo kale u baahan doonta in ay la fadhiistaan uurka ciyaartoyda ee FIFPRO si xaalada kooxaha iyo ciyaartoyda layskugu dheeli tiri karo.
Sida xogta kulankan lagu helay, dhamaan kooxaha Yurub ee qaybta ka ah ururka kooxaha Yurub ee ECA ayaa doonaya in la dhamaystiro kulamada baaqiga ka ah xili ciyaareedkan 2019/2020.
Kooxahan ayaa diyaar u ah in dib loo bilaabo kulamada maxaliga ah ee horyaalada kala duwan iyo waliba tartamada Champions League iyo Europa League xataa haddii ay qaadanayso waqti ka danbeeyay xiligii ay UEFA u cayintay ee ahaa in ayna ka danbayn June 30,2020.

Arinta kale ee ay kooxaha Yurub ka wada hadleen waxaa ka mid ah ciyaartoy kooxahan ka tirsan oo heshiisyadoodu dhacayaan June 30, markaas oo la filayo in ayna wali dhamaan doonin kulamada xili ciyaareedkan baaqiga ahi waxayna xubanha ururka ECA eegi doonaan qaabkii heshiisyada ciyaartoydan loo cusboonaysiin lahaa oo ay ciyaartoydu kooxaha ay ka tirsan yihiin ugu sii ciyaari karaan xataa haddii heshiiska ay hadda ku jiraan dhacayo June 30.

Si kastaba ha ahaatee, qodobadan iyo kuwo kale oo ay xubanaha ururka kooxaha Yurub ee ECA maanta ka wada xaajoodeen ayaa la filayaa in ay wax ka tari karaan qorshaha dhaw ee kubbada cagta Yurub.