AKHRISO: Magacyada SAGAAL Ciyaartoy Oo La Shaaciyey Inay Ka Tegayaan Liverpool, Xiddigaha Aanad Rumaysan Karin Ee

Tababare Jurgen Klopp waxa uu xili ciyaareedka dambe kusoo bilaaban doonaa koox xooggan oo iskugu jirta ciyaartooyo cusub iyo kuwa ugu wanaagsan safkiisa waqtigan, laakiin waxa uu Anfield ka faaruqin doonaa ciyaartooyo tiradooda lagu sheegay sagaal oo qaarkood ay lacago badan kaga soo baxday markii ay Merseyside imanayeen.

Tababare Klopp iyo Agaasimaha ciyaaraha, ahna madaxa iibka ee u xilsaaran ciyaartoyda imanaya iyo kuwa baxaya, Michael Edwards ayaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyey ku hawlanaa qiimayn ay ku samaynayeen ciyaartoyda kooxda oo ay u kala saareen kuwo sii joogi karaya Anfield iyo kuwo culays mooyaane aan waxtar badan lahaan doonin wixii ka dambeeya xili ciyaareedkan.

Waxa kale oo ciyaartoydan uga soo dhex baxday laacibiin heshiiskoodu dhow yahay oo ka gaws-adaygaya inay saxeexaan qandaraas cusub amaba dalbanaya mushahar wareer ah oo waqtigan aanay kooxdu diyaar u ahayn inay bixiso.

Hawshooda waxay Klopp iyo Edwards sii laban laabeen intii ka dambaysay kulankii Atletico Madrid ee 3-2 looga adkaaday gudaha garoonkooda ay guulaha badan ku gaadhayeen ee Anfield, waxaanay taasi keentay inay u jeedsadaan dhinaca suuqa iyaga oo eegaya boosaska ay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan ka hor bilowga xili ciyaareedka dambe, si ay usoo ceshan karaan Champions League oo iyagoo sannadkii hore kusoo guuleystay haddana wareegga 16-ka kaga hadhay.

Reds oo 25 dhibcood hoggaanka Premier League ku haysa, lix dhibcood oo kaliyana u uga baahan dhamaan sagaalka ciyaarood ee u hadhay si ay ugu guuleysato koobkeedii ugu horreeyey ee Premier League ah muddo soddon sannadood ah.

Tababaraha iyo agaasimuhu waxay falanqeeyeen sida ay u difaacan doonaan xili ciyaareedka soo aaddan, taas oo ay is tusiyeen inay u baahan yihiin ugu yaraan weerar karti badan, dhex hal-abuur leh iyo goolhaye Alisson Becker oo hela beddel aan ahayn Adrian marka ay waxyeello soo gaadho amaba dhaawacyo yimaaddaan.

Wargeyska Liverpool Echo ee kasoo baxa magaalada Liverpool, ayaa waxa uu daabacay magacyada sagaal ciyaartoy oo ka hor inta aanay Reds suuqa u gelin laacibiin cusub laga fasixi doono Anfield bilaha June iyo July illaa horraanta August.

Sagaalka ciyaartoy ee uu wargeysku qoray, waxa ugu horreeya Adam Lallana oo uu heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana wehelin doona Nathaniel Clyne oo sidaas oo kale qandaraasku ku dhamaanayo, halka uu Pedro Shirivella la tusi doono albaabka.

Goolhayaha sida xorta ah ugu yimid bishii August ee sannadkii hore, isla markaana dheelay 11 ciyaarood oo Premier League ah iyo kulamo xaasaasi ah oo Champions League ka tirsan, loona qirsan yahay inuu yahay geesigii UEFA Super Cup la qaaday, ayaa ka mid ah ciyaartoyda ka tegi doona Liverpool, waxaana beddelkiisa ay Reds ka doonan doontaa suuqa.

Waxa kale oo shanddadiisa isla Difaaca reer Croatia ee Lovren iyo laacibka khadka dhexe ee Xherdan Shaqiri.

Laba ciyaartoy oo aan la rumaysan karin ayaa liiskan kusoo baxay, waana Gini Wijanldum oo aasaasi u ah safka Liverpool oo heshiiskiisa ay 15 bilood ka hadhsan yihiin, isla markaana ka warwareegaya inuu saxeexo qandaraas cusub iyo Naby Keita oo 2018 bilowgiisii ay lacag badan kasoo bixisay Reds ayaa ku jira liiskan.

Wijnaldum, waxa uu qorshuhu yahay in la iibiyo, balse Naby Keita waxa loo kala doorayaa laba arrimood oo kala ah in amaah lagu diro muddo sannad ah iyo la fasaxo, halka ay wali miiska saaran tahay in joogistiisa loo daayo.

Weeraryahanka Divock Origi, goolhaye Loris Karius oo kasoo laabtay amaah uu ku tegay Turkiga, Marko Grujic oo ku maqan amaah iyo sidoo kale Harry Wilson ayaa qaarkood si rasmi ah loo fasixi doonaa kuwo kalena dib loogu celin doonaa  amaah.