Akhriso Liiska Min Halka Ciyaartoy Ee Ay Koox Kasta Oo Premier league Ahi La Soo Wareegi Karto Suuqa Bisha January Ee Furmaya.

Waqti aad u kooban ayaa ka hadhsan maalinta uu sida rasmiga ah u furmi doono suuqa bisha January oo ay laba maalmood inaga xigaan waxaa jira ciyaartoy gaar ah oo la filayo in kooxaha Premier league ay la soo saxiixan doonaan.

Haddaba waxaa jira min hal ciyaartoy oo ah kan ugu suurtogalsan ee ay koox kasta oo Premier league ahi la soo saxiixan karto waxaana muuqata in ay jiraan kooxaha qaar oo haddaba ku sii dhawaanaya in ay dhamaystiraan saxiixyada xidigahan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayn lagu sameeyay suurtogalnimada min halka ciyaartoy ee ay koox kasta oo Premier league ahi ay la soo saxiixan karto marka uu dhawaan furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoydu.

Liverpool ayaa qarka u saaran in ay Chelsea iyo Arsenal ku garaacdo saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic kaas oo ay hadda Reds u muuqato in ay dariiqa u saaran tahay in ay kooxdeeda ku soo xoojiso.

Manchester United ayaa fursada ugu wayn u haysata in ay la soo saxiixato difaaca birta ah ee kooxda Napoli ee Kalidou Kouliably halka Man City ay la soo saxiixan karto Eder Militao.

Suurtogalnimada ugu wayn ee Chelsea ay kula soo wareegi karto Callum Wilson oo ka tirsan kooxda Bournemouth ayaa ah doorashada ugu wayn ee ay weerarkooda ku soo xoojin karaan bisha January.

Arsenal ayaa si wayn u doonaysa saxiixa Ever Banega kaas oo ah xidiga ugu suurtogalsan ee uu Unai Emery la soo saxiixan karo bisha January.

Haddaba halkan kaga bogo Liiska Min Halka Ciyaartoy Ee Ay Koox Kasta Oo Premier league Ahi La Soo Saxiixan Karto Bisha January ee dhawaan bilaami doonta.

Arsenal: Ever Banega – 7/4

Bournemouth: Ruben Loftus-Cheek – 10/3

Burnley: Neal Maupay – 4/1

Brighton: Nick Powell – 10/3

Cardiff: Nathaniel Clyne – 4/1

Chelsea: Callum Wilson – 2/1

Crystal Palace: Mohamed Elneny – 5/2

Fulham: Jonjo Shelvey – 2/1

Huddersfield: Onel Hernandez – 10/3

Everton: Abdoulaye Doucoure – 3/1

Leicester: Samuel Chukwueze – 6/1

Liverpool: Christian Pulisic – 5/1

Man City: Eder Militao – 5/2

Man Utd: Kalidou Kouliably – 2/1

Newcastle: Tom Cairney – 3/1

Southampton: Jean-Kevin Augustin – 3/1

Tottenham: Adrien Rabiot – 8/1

Watford: Philip Billing – 4/1

West Ham: Samir Nasri

Wolves: Adrien Tameze – 10/3