AKHRISO: Liiska Ciyaartoydii Heshiisyadooda La Dhamaystiray Maanta Oo Suuqa Kala Iibsiga Ugu Danbaysa.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalada Yurub ugu waa wayn ayaa xili danbe oo caawa ah soo xidhmi doona waxaana jira isku dayo badan oo ay kooxaha Yurub ku doonayaan in ay saxiixyo cusub ku sameeyaan saacadaha ka hadhsan suuqa bisha January.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa heshiisyadii maanta lagu dhawaaqay iyada oo ilaa inta uu suuqu soo xidhimayo aanu hadba halkan idiinku soo kordhin doono heshiisyada cusub ee la dhamaystiro.

Dhamaadka waqtiga suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaanu sidoo kale halkan idiinku soo dari doonaa dhamaan saxiixyada muhiimka ahaa ee suuqa bisha January oo dhan la sameeyay.

Balse aan marka hore halkan idiinku soo gudbino heshiisyadii muhiimka ahaa ee maanta oo suuqa kala iibisaga ugu danbaysa lagu dhawaaqay. Akhriso lana soco heshiisyada cusub ee soo kordhi doona saacada soo socda.

Heshiisyada Maanta Lagu Dhawaaqay Ee Premier league Ku Soo Biiray Ama Ka Baxay:

15-Youri Tielemans [Monaco – Leicester] Loan

14-Adrien Silva [Leicester – Monaco] Loan

13-Peter Crouch [Stoke – Burnley] Undisclosed

12-Jan Mlakar [NK Maribor – Brighton] Undisclosed

11-Tudor-Cristian Baluta [FC Viitorul Constanta – Brighton]

10-Matty Willock – {Man Utd Crawley}, Amaah

9-Aboubakar Kamara [Fulham  Yeni Malatyaspor]

8-Georges-Kevin Nkoudou [Tottenham Monaco]Amaah

7-Miguel Almiron [Atlanta Newcastle] £20m

6-Anthony Martial [heshiis cusub oo shan sano ah ayuu saxiixay]

5- Antonio Barreca [Monaco Newcastle] Amaah

4-Ante Palaversa [Hadjuk Split Manchester City] £7m

3-Jonny Castro Otto [Atletico Madrid Wolves] £18m

2-Karlan Grant [Charlton Huddersfield] lacagta lama shaacin

1-Denis Suarez [Barcelona Arsenal] amaah

Heshiisyada Muhiimka Ah Ee Ay Suuqa Bisha January Ay La Saxiixdeen Ama Ka Baxay Horyaalka Spain Ee La Liga: Fiiro gaar ah: Sawirka u raacsdan: Magaca ciyaartoyga, kooxda uu ciyaartoygu ka yimid, kooxda uu ku soo biiray.

Magacyadii Ugu Muhiimsanaa ee La Dhamaystiray Bishian January

Gonzalo Higuain -> Chelsea 

Chelsea ayaa heshiis amaah ah kusoo qaadatay weeraryahanka reer Argentine ee Higuain si uu uga caawiyo gool-dhalinta oo dhibaato badan ka haysato, waxaana uu booska kala baxay Morata oo ka degay Atetlcio Madrid.

Koobka ugu horreeya ee uu kula guuleysan karo waa Carabao Cup oo ay finalka joogto Blues, sidoo kalena waxa uu gacan ka siin doonaa FA Cup oo wareegga shanaad ay usoo gudubtay, laakiin waxaanu u ciyaari doonin Europa League oo uu hore ugu saftay AC Milan.

Christian Pulisic -> Chelsea

Chelsea ayaa nasiib u yeelatay in kooxo badan oo kula tartamayey ay ku garaacdo saxeexa laacibka khadka dhexe ee Christian Pulisic oo ay £58 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, hase yeeshee waxa uu xiddiga reer Maraykan iman doonaa Blues dhamaadka xili ciyaareedkan.

Dominic Solanke -> Bournemouth

Laacibkii da’da yaraa ee Liverpool ayaa ugu dambayn ku biiray Bournemouth oo ka bixisay £17 milyan horraantii bishan, waxaana uu sidaas kusoo afjaray 18 bilood oo uu ka tirsanaa kooxda hoygeedu yahay Anfield oo uu markii hore uga soo wareegay Chelsea.

21 jirkan reer England ayaa ka garab ciyaari doona marka uu dhaawaca kasoo laabto Callum Wilson iyo Josh King.

Ryan Babel -> Fulham

Laacibkii hore ee Liverpool garabka weerarka uga ciyaari jiray ayaa kusoo laabtay horyaalka Premier League oo uu ka maqnaa siddeed sannadood, waxaana uu ku biiray Fulham isaga oo kasoo kicitimay Besiktas, lamana sheegin lacagta uu ugu soo biiray.

Oumar Niasse -> Cardiff 

Laacibka xulka qaranka Senegal ee Oumar ayaa heshiis amaah ah kaga baxay kooxda Everton, waxaanu ku biiray Cardiff oo heshiiskiisa ka dhigi karta mid rasmi ah.

Laacibkan oo Everton ay lacag dhan £13.5 milyan kaga soo iibsatay Lokomotiv Moscow sannadkii 2016 ayaa ku saldhigi waayey Goodison Park, waxaana uu ugu dambayn ka degay Cardiff City.