Akhriso Liiska Ciyaartoyda Sida Xorta Ah Ku Baxaya Ee Kooxaha Waa Wayn Ee Premier league Iyo Kooxaha Kale Ee Yurub.

Xili ciyaareedkan 2018/19 ayaa maraya heer gabo gabo ah oo kulamadii ugu danbeeyay la ciyaari doono, waxaana haddaba socda dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee kooxaha Yurub.

Waxaa jira ciyaartoy badan oo magac wayn ku leh kubbada cagta kuwaas oo si xor ah lagu heli karo isla markaana ay kooxaha xoojin bilaash ah u baahani ay ka faa’iidaysan karaan.

Ciyaartoyda xorta noqon doona qaar ka mid ah haddaba si rasmi ah ayaa loo shaaciyay bixitaankooda halka kuwo kale ay sugayaan inta la gaadhayo June 30 si ay xor u noqdaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa liiska ciyaartoyda sida xorta ah kaga bixi kara lixda kooxood ee Premier League ugu waa wayn iyo liiska kooxaha Yurub ay fasaxayaan. Halkan ka akhriso.

Ciyaartoyda Arsenal Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Si Rasmi Ah Loo Xaqiijiyay: Danny Welbeck, Aaron Ramsey (Juventus),Petr Cech (hawlgab)

Heshiiskoodu Dhacayo June 30: Stephan Lichtsteiner, Nacho Monreal

 

Ciyaartoyda Chelsea Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Si Rasmi Ah Loo Xaqiijiyay: Gary Cahill

Heshiiskoodu Dhacayo June 30: Olivier Giroud, Willy Caballero, Rob Green

 

Ciyaartoyda Liverpool Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Heshiiskoodu Dhacayo June 30: Daniel Sturridge, Alberto Moreno

 

Ciyaartoyda Man City Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Si Rasmi Ah Loo Xaqiijiyay:: Vincent Kompany (Anderlecht)

 

Ciyaartoyda Man United Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Si Rasmi Ah Loo Xaqiijiyay: Ander Herrera, Antonio Valencia

Heshiiskiisu Dhacayo June 30:: Juan Mata

 

Ciyaartoyda Tottenham Sida Xorta Ah Kaga Baxaysa

Heshiiskoodu Dhacayo June 30: Fernando Llorente, Michel Vorm

 

Liiska Ciyaartoyda kooxaha kale ee Yurub Ee Sida Xorta Ah Lagu Heli Karo:

Diego Godin, Filipe Luis (Atletico Madrid),

Santi Cazorla (Villarreal), Daniele de Rossi (Roma),

Arjen Robben, Franck Ribery, Rafinha (Bayern Munich),

Max Kruse (Werder Bremen),

Adrien Rabiot, Dani Alves ( PSG),

Mario Balotelli (Marseille),

Hector Herrera (Porto),

Alan Dzagoev (CSKA Moscow)