AKHRISO: Kulamada Xaasaasiga Ah Ee Ay Seegi Doonaan Martial Iyo Lingard Oo Saddex Toddobaad Garoomada Ka Maqnaanaya

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayay soo food-saartay dhibaato dhaawacyo ah kaddib markii loo xaqiijiyey in xiddigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard ay garoomada ka maqnaan doonaan muddo saddex toddobaad ah.

Martial iyo Lingard ayaa laduba ku dhaawacmay ciyaartii Salaasadii ee PSG ay guul-darrada ugu xambaarisay garoonka Old Trafford, waxaana garoonka laga saaray Lingard dhamaadka qaybtii hore oo lagu beddelay Alexis Sanchez halka Martial lagu beddelay Juan Mata.

Tababare Solskjaer oo ka hadlayey shir jaraa’id ka hor ciyaarta Isniinta ay kooxdiisu tartanka FA Cup la ciyaari doonto Chelsea, ayaa waxa uu xaqiijiyey in Martial iyo Lingard ay labaduba dhaawacan yihiin oo aanay kulamada soo socda diyaar u noqon karaynin

“Waxay ila tahay in laba illaa saddex toddobaad ay garoomada ka maqnaan doonaan.” Sidaas ayuu yidhi Solskjaer oo sidoo kale tibaaxay inuu fursad siin doono da’yarka Mason Greenwood.

Kulamada la hubo ee ay ciyaaryahannadani maqnaan doonaan ayaa ah shan ciyaarood oo xaasaasi ah oo ay kooxdoodu aad ugu baahnayd, kuwaas oo ay ku jirto ciyaarta luga labaad ee Champions League ee PSG oo dhici doonto March 6.

Waxa kale oo ay seegi doonaan ciyaarta muhiimka ah ee Liverpool ay garoonka Old Trafford ku martigelin doonto Man United.

Halkan kaga bogo kulamada ay seegi doonaan:

Chelsea – Marti – Wareegga shanaad ee FA Cup, Isniin 18 February

Liverpool – Minan, Premier League, Axad 24 February

Crystal Palace – Marti – Premier League, Arbaca 27 February

Southampton – Minan – Premier League, Sabti 2 March

PSG – Marti, Champions League, lugta labaad ee wareegga 16-ka, 6 March.