AKHRISO: 25-ka Tababare Ee Abid Lacagta Ugu Badan Suuqa Galiyay, Midka Sarreeya Guardiola & Mourinho Iyo Booska Uu Soo Galay Tababaraha Kooxdaadu

Jose Mourinho ayaa wali tababare la’aan ah tan iyo markii bishii December laga caydhiyay xilka tababarenimo ee Man United oo uu laba sano iyo badh soo hoggaaminayay balse xaalad ka xun midii uu ugu yimid uu kaga tagay.

Mourinho ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad kula soo guuleystay Man United Europe League iyo League Cup balse kula dhammaystay booska lixaad ee kala sarreynta horyaalka.

Jose ayaa xilli ciyaareedkiisii labaad aan wax koob ah lasoo hanan United balse booska labaad ee PL keenay halka xilli ciyaareedkii saddexaad badhtamihiisii la caydhiyay.

Haddaba, Shabakada transfermarkt oo aad ugu xeel dheer arrimaha suuqa kala iibsiga ayaa haatan soo saartay 26-ka tababare ee lacagta ugu badan abid kusoo bixiyay suuqa kala iibsiga oo uu hoggaanka u hayo Jose Mourinho.

Mourinho ayaa mudada uu kubadda cagta Yurub kusoo dhex jiray kharash gareeyay £1.05 Bilyan uu ku bixiyay 59 ciyaartoy shan kooxood oo kala duwan oo uu maamulay.

Waxa booska labaad soo galay Pep Guardiola oo £1.03 Bilyan suuqa galiyay walow uu sanado ka kooban Mourinho soo shaqaynayay isla markaan uu soo maamulay saddex kooxood.

Kaalinta saddexaad ayuu si layaab leh kusoo galay Massimiliano Allegri (£914.36m), Afraad ayuu ku jiraa Manuel Pellegrini (£854.37m) halka shanta sarre uu dhammaystiray tababare Carlo Ancelotti (£842.67m).

Halkan Hoose Kaga Boggos 25-kaas Tababare Ee Lacagta Ugu Badan Abid Suuqa Galiyay.

p1deidmjhb1ond15521hnu1hg31cjjd.jpg