AKHRISO: 13 Taageere Oo Premier League Ah Oo Si Daacad Ah U Doortay Xiddiga Ay Kooxdoodu Iibkiisa Ku Khaldanayd & Hadaad Isku Aragti Tihiin

Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwa England ayuu akoonka Twitter-ka ah ee Soccer AM weydiiyay inay soo doortaan xiddiga ay kooxdoodu iibisay balse aysan jeclaan lahayn inay marnaba iibiso.

Dabcan su’aashan ayaa ahayd mid ay boqolaal qof jawaabo kasoo bixiyeen balse shabakadda GIVEMESPORT ayaa soo xushay jawaabaha 13 taageere oo inta badan kooxahoodu Premier League wakhtigan ku sugan yihiin.

Waxaanu halkan hoose idiinku muujin doonaa magaca uu taageeraha jawaabta bixiyay kusoo galo barta Twitter-ka, kooxda uu taageero iyo waliba ciyaaryahanka uu iibkiisii kaga soo horjeedo kooxdiisa.

@scrowe14 | Taageere Tottenham Ah | Mousa Dembele

Dembele ayaa ahaa khad dhexe oo cajiib ah balse si weyn qiimihiisa hoos loogu dhigi jiray oo aan heli jirin amaanta uu u qalmo, bur-buriyahan ree Belgium ayaa 250 kulan usoo ciyaaray Spurs oo uu sanadkii 2012 kusoo biiray kana tagay January 2019.

@BarryLove17 | Taageere Manchester United Ah | Jaap Stam

Taageerahan ayaa doortay Jaap Stam walow ay xiddigo waaweyn oo uu kamid yahay Cristiano Ronaldo iibisay kooxdiisa Man United balse xulashadiisa ayay caddayn ugu filan tahay in Sir Alex Ferguson qudhiisu uu qirtay inuu ku khaldanaa iibkii Stam.

@lewiswright7 | Taageere Liverpool Ah | Xabi Alonso

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii 2008-09 qarka u fuushay hanashada Premier League, Alonso ayaa ka tagay xagaagii xigay iyagoo Reds gabi ahaanba bur-buray sanadihii ku xigay, xiddiga ree Spain ayaa wakhti guul ah lasoo qaatay Real Madrid iyo Bayern Munich

@Joestephenson03 | Taageere Arsenal Ah | Alexis Sanchez

Sanchez ayaa Arsenal 80 gool ugu soo dhaliyay 166 kulan isaga oo laf dhabar usoo ahaa sanado badan, January 2018 ayuu ku biiray Man Unitid kaddib heshiis xiddigo is-dhaafsi oo uu Mkhitaryan ku tagay dhinaca Gunners balse heshiiska ayaa labada kooxoodba ku xumaaday

@NWolstenholme | Taageere Chelsea Ah | Eden Hazard

Hazard ayaa laba Premier League kula soo guuleystay Chelsea guulo badana kula soo raaxaystay balse xagaagii hore ayuu ku biiray Real Madrid isaga oo doonayay loolan cusub.

Halkan Ka Akhrso Liiska Xiddigaha Ay Taageerayaasha Kooxaha Kale Xusheen

@Djmyaz | Taageere Newcastle Ah | Yohan Cabaye

@ShepStreets | Taageere Aston Villa Ah  | James Milner

@WestHaminVegas | Taageere West Ham Ah | Rio Ferdinand

@KevR_7 | Taageere Manchester City Ah | Edin Dzeko

@KimBRFC | Taageere Blackburn Ah | David Bentley

@calpawley | Taageere Leicester Ah | Riyad Mahrez

@CygnusDr | Taageere Leeds Ah | Eric Cantona

@matt8284 | Taageere Everton Ah | Wayne Rooney

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook