Aisson Becker 10-2 David De Gea- Goolhaye Alisson Oo Ceebaystay Dhigiisa De Gea, Waxna Ka Ogow Xogtooda Ka Hor Kulanka Liverpool Vs Man United.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa barri ku balansan garoonka Anfield ee kooxda Reds kulan si wayn aduunka oo dhan looga sugayo. Kulanka Liverpool iyo Manchester United ayaa loo yaqaanaa kulanka kubbada cagta England ugu wayn iyada oo lagu salaynayo xifiltanka taariikhiga ah ee labadan kooxood u soo dhexeeyay iyo in ay yihiin labada kooxood ee ugu guulaha badan.

Labada kooxood waxaa hadda u dhexeeya 16 dhibcood oo ay Liverpool sarayso kadib markii 16 kulan oo Premier league ah la soo ciyaaray waana arin qariib ah oo calool xumo wayn ku ah jamaahiirta Manchester United, laakiin marka Anfield la soo wada galo dhibcahani ma xisaabsanaan doonaan.

Inkasta oo haddaba la sii ogyahay qaabka uu Jose Mourinho kaga hor iman doono kooxda jurgen Klopp, haddana waxaa jira ciyaartoy gaar ah oo saamayn wayn kulankan ku yeelan kara waxaana gu horeeya labada goolhaye ee Alisson Becker iyo David De Gea.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa isbar bardhiga xogta Premier league ee xili ciyaareedkan ee labada goolhaye ee Alisson iyo David De Gea taas oo ah gabi haanba mid aan la filayn in ay qaabkan noqon kartay bilawgii xili ciyaareedkan.

David De Gea ayaa in badan ahaa goolhayaha Premier league ugu fiican laakiin hadda waxaa uu is arkayaa isaga oo xili ciyaareedkan ka mid ah goolhayaasha Premier league ugu xoogta liita. Laakiin haddana, waxaa la aaminsan yahay in haddii ayna Man United haysan De Gea in ay ku jiri lahayd meel aad uga xun booska ay ku jirto.

Haddaba ka hor kulanka Liverpool iyo Man Unitd, Waa Sidee Xogta De Gea iyo Alisson?

David De Gea  iyo Alisson Becker ayaa xili ciyaareedkan saftay min 16kii kulan ee Premier league ilaa hadda lag soo ciyaaray iyada oo mid kastaaba uu ahaa magaca ugu horeeya ee ay Jurgen Klopp iyo Jose Mourinho shaxdooda ku soo bilaabayeen.

Laakiin goolhaye Alisson ayaa awooday in 10 kulan oo ka mid ah 16kii kulan ee Premier league aan hal gool laga soo dhalin isaga oo awooday in 10 kulan oo Premier league ah uu shabaq nadiif ah garoonka kala baxay taas oo la micno ah in 6 kulan oo kaliya goolal laga soo dhaliyay.

Taas badalkeeda David De Gea ayaa awooday in 2 kulan oo kaliya uu shabaq nadiif ah garoonka kala baxay 16kii kulan ee uu Man United u soo saftay kulamadii Premier league, waana farqi aad u wayn oo u dhexeeya labada goolhaye ee Man United iyo Liverpool.

Arinta kale ee cajiibka ahi waa in goolhaye Alisson lixda kulan ee aanu shabaqa nadiifta ah la bixin laga soo dhaliyay 6 gool oo kaliya taas badalkeeda David De Gea ayaa laga soo dhaliyay 26 gool, waxayna tani la micno tahay in 12 kulan oo aanu shabaq nadiif ah la bixin laga soo dhaliyay 26 gool!.

Heerka fursad babdaadinta goolhaye Alisson ayaa xili ciyaareedkan ah in boqolkiiba 86% fursadood oo kooxdiisa Liverpool goolal looga dhalin lahaa kulamadii Premier League uu badbaadiyay halka David De Gea uu booqlkiiba 67% fursadood ka beeniyay xaalado kooxdiisa goolal kale looga dhalin lahaa.

Sidaa daraadeed, Alisson oo aan wali dhadhamin waxa ay tahay guuldaro Premier league ahi tan iyo markii uu Liverpool ku soo biiray ayaa wax walba oo goolhaye muhiim u ah waxa uu si aqlabiyad ah ugu garaacay dhigiisa De Gea.

Laakiin waxay kubbada cagta aduunku sugaysaa waxa ay kala soo muuqan doonaan Anfield iyo midka xogtan wax fiican ku kordhin kara.

Haddaba akhriste, miyuu Alisson noqday goolhayaha ugu danbayn soo afjaray in De Gea uu ahaa goolhayaha Premier league ugu fiican sanadihii ugu danbeeyay?

 

4 Comments

  1. Alison waxaa kale oo sii caawiyey difaaca birta ah ee Liverpool sanadkan Liverpool way shidan tahay man u daahi mayaan

Comments are closed.