Agaasime Ciyaareed Oo Ka Mid Ah Kooxaha Waa Wayn Ee Premier League Oo Kulan Ka Qaatay Jorge Mendes Si Uu Ugala Xaajoodo Saxiixa Joao Felix.

Kooxaha Yurub ugu waa wayn ayaa ku dagaalamaya saxiixa da’yarka kooxda Benfica wacdaraha ka dhigaya ee Joao Felix kaas oo la barbar dhigayo markii uu Cristiano Ronaldo da’yarka ahaa. Inkasta oo Joao Felix uu kulankiisii ugu horeeyay ee Benfica uu saftay bishii August 2018 kii, haddana waxa uu soo jiitay indaha kooxaha Yurub ugu waa wayn.

Kooxaha Real Madrid, Juventus, Bayern Munich, Liverpool, Man United iyo kooxo badan oo kale ayaa xiisaynaya saxiixa Joao Felix laakiin waxaa jira mid ka mid ah agaasimayaasha kooxaha premier league oo haddaba la kulmay wakiilka Joao Felix ee Jorge Mendes.

Kulankii lugtii hore ee siddeed dhamaadka Europa league ayuu da’yarka Benfica ee Joao Felix saddexley goolal ah ka dhaliyay kooxda Frankfurt wuxuuna markaas noqday xidigii ugu da’da yaraa ee saddexley goolal ah ka dhaliyay Europa League markaas oo ay daawanayeen ragga suuqa u qaabilsan kooxaha yurub ugu waa wayni.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Man City ee Txiki Begiristain ayaa haddaba la kulamay wakiilka Jorge Mendes kaas oo masuuliyada wakiilnimo ee da’yarka dalkiisa Porugal ee Joao Felix isagu gacanta ku haya waxayna Man City doonaysaa in ay xidigan uga hormarto kooxaha yurub ugu waa wayn.

Jorge Mendes oo ah wakiika ugu saamaynta badan kubbada cagta ayaa dhexda ugu jira dagaalka ay kooxaha Yurub ugu waa wayni ku doonayaan saxiixa Joao Felix laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in haddaba uu agaasimaha ciyaaraha City la kulmay Mendes si uu ugala xaajoodo Joao Felix.

Heshiiska Joao Felix ayaa lagu burburin karaa 120 milyan yuro waana lacag aad ugu badan da’yar 19 sano jir kaliya ah kaas oo aan wali si dhab ah loo tijaabin laakiin kooxaha waa wayn ayaa ka cabsi qaba in saxiixa xidigan looga hor maro haddii ayna xili hore talaabo qaadin.

Si kastaba ha ahaatee, faah faahin badan lagama hayo wada xaajoodkii dhex maray wakiilka Joao Felix ee Jorge Mendes iyo agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain balse waxay muujinaysaa in kooxda Guardiola ee City ay haddaba talaabo hore ugu qaaday si ay xidigan ula soo wareegi karto.